RASMI: Musiibada Waynu Ka Simanahay! Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay In Difaac Muhiim Ahi Uu Seegay Safarkii England Ee Kulanka Liverpool.

Kooxda Bayern Munich ayaa Liverpool kala mid ah xaalada qalalaase ee taam ahaansho la’aanta xidigo muhiim u ahaa labada kooxood ka hor kulanka Anfield ee lugta kowaad ee UEFA Champions League. Bayern Munich ayaa maanta u soo safartay magaalada Liverpool waxayna isku diyaarinayaan kulanka Anfield ee xamaasada badan.

Kooxda Bayern Munich ayaa shaacisay in difaac muhiim u ah kooxdeedu uu si rasmi ah u seegay kulanka Liverpool isla markaana uu awoodi waayay in uu Germany ka soo safro halka xidig kale uu waqti danbe safar gaar ah soo gali doono arimo qoyskiisa ah awgeed.

Tababaraha kooxda Bayern Munich Niko Kovac ayaa saxaafada ka soo hormuuqday wuxuuna ka hadlay muhiimada kulanka Liverpool iyo sida ay xaaladu u adkaan doonto laakiin Bayern Munich oo hadal uu macalinka kooxdoodu sheegay soo tabinaysa ayaa shaacisay in difaaca dhexe ee Jerome Boateng uu seegay kulanka Liverpool isla markaana aanu u safrin England.

Bayern Munich ayaa si rasmi ah u shaacisay in Jerome Boateng uu kulanka Liverpool ku seegay xanuun virus dhinaca caloosha ka hayay laakiin Bayern Munich ayaa sheegtay in Franck Ribery oo uu qoyskiisa ilmo ugu soo biiray in xili danbe uu safar gaar ah u gali doono Liverpool si uu ciyaartoyda kooxdiisa ula midoobo kadib markii uu xaaskiisa oo umulaysay uu tan iyo xalay ku mashquulsanaa.

Thomas Muller ayaa ganaax ku seegaya labada kulan ee Liverpool kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Ajax ee heerkii groupyada Champions league ugu danbeeyay waxaana sidoo kale Bayern Munich liiska ay soo saartay ee England u safray ka maqan Corentin Tolisso.

Laakiin Coman iyo David Alaba oo ay jugo soo gaadheen kulankii Augsburg ee horyaalka Germany ayaa taam buuxa u noqday kulanka Liverpool waxayna qayb ka yihiin ciyaartoyda kulanka Reds diyaarka u ah.

Daawo ciyaartoyda Bayeren Munich oo haddaba tababarkii ugu horeeyay ku qaadanaya Anfield iyaga oo diyaar garawga kulanka Liverpool sii wata.

Liiska Ciyaartoyda Bayern Munich Ee Kulanka Liverpool:

Goolhaye: Neuer, Ulreich, Fruchtl

Difaaca: Sule, Hummels, Alaba, Kimmich, Rafinha, Awoudja, Mai

Khadka Dhexe: Thiago, Martinez, Rodriguez, Goretzka, Sanches

Weerarka: Lewandowski, Coman, Gnabry, Davies, Jeong, Shabani