RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Goolkii Wareegii Siddeed Dhamaadka UEFA Champions League Ugu Fiicnaa Iyo Goolkii Ronaldo Ee Juventus Oo Laga Guulaystay.

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markale ku guulaystay abaal marin caalami ah isaga oo loo doortay xidiga dhaliyay goolkii ugu fiicnaa kulamadii wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League ee la soo ciyaaray wuxuuna abaal marintan ku garaacay xidigo magac wayn iyo goolal la tartamayay.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa jamaahiirta kubbada cagta aduunka u soo bandhigtay muuqaalka goolashii ugu fiicnaa wareegii siddeed dhamaadka Champions League waxaana liiskan ku jiray Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo, Mario Mandzukic, Luis Suarez iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Cristiano Ronaldo ayaa la filayay in uu ku guulaysanayo goolka wareegii siddeed dhamaadka UEFA Champions League ugu fiicnaa laakiin Mohamed Salah oo xili ciyaareedkan wacdaro kala soo baxay garoomada Yurub iyo Premier league isla markaana shacbiyad waali ah aduunka ka samaystay ayaa cod ku garaacay Ronaldo iyo xidighaa kale ee la tartamayay.

Mohamed Salah ayaa codkii ugu badnaa ka helay jamaahiirta kubbada cagta aduunka ee kala saarayay xidigaha ay UEFA liiska kooban ku soo saartay wuxuuna Mohamed Salah abaal marintan guu guulaystay goolkii uu Manchester City ku qalbi jabiyay ee kulankii Etihad Stadium.

Mohamed Salah ayaa kubbad ka dulqaaday goolhayaha Manchester City isaga oo deganaansho wayn muujiyay wuxuuna Ederson u diiday in wax badbaadin ah uu sameeyo wuxuuna goolkaasi ahaa goolkii Liverpool ugu soo laabtay ciyaartii Etihad Stadium ee usbuucii hore.

Mohamed Salah oo marti iyo minanba goolal kaga dhaliyay Manchester City wareegii siddeed dhamaadka Champins league ayaa kooxda Jürgen Klopp ee Reds ka caawiyay in ay 5-1 ku garaacday Man City kulamadii Anfield iyo Etihad Stadium. Riix halkan qaabkii loo codeeyay goolkii wareega siddeed dhamadka UCl.

1 Comment

Comments are closed.