RASMI: Mohamed Salah Iyo Sadio Mane Oo Ka Mid Noqday Saddexda Xidig Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal Marinta Xidiga Afrika Ugu Fiican Ee Ay CAF Bixinayso.

Xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaqay seddexda xiddig ee isagu soo hadhay tartanka abaalmarinta ciyaartoyga sannadka Afrika  ugu fiican ugu fiican ee uu bixin doono xidhiidhka kubbad cagta Afrika. Dhawaan ayay ahayd markii ay BBC-du bixisay abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican oo uu Mohamed Salah ku soo guulaystay laakiin markale xidiga ree Masar ayaa qayb ka soo noqday liiska saddexda xidig ee abaal marintan ku tartami doona.

Sadio Mane oo ay Mohamed Salah si cajiib ah uga wada ciyaaraan kooxda Liverpool ayaa si toos ah abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican ugu tartami doona waxaana liiskan ku jira xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang laakiin Mohamed Salah ayaa labadan xidig hore ugu soo garaacay abaal marinta xidiga Afrika ugu fiican ee ay BBC-du bixisay iyaga oo ahaa saddexdii xidig ee iskugu soo hadhay abaal marintaas.

Mohamed Salah ayaa ugu cadcad inuu abaalmarintaan ku darsado abaalmarintiisii xiddiga sannadka Afrika ee BBC ee uu ku guuleystay horaantii bishaan.

Xiddiga kooxda Reds ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya Anfield isagoo dhaliyay 14 gool horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 18 kulan uu saftay

Waxaana uu ku darsaday lix gool kale oo uu ka dhaliyay Champions League tan iyo markii uu lacag qaali ah uga soo wareegay kooxda Roma, waxaana uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee Premier League 20 gool dhaliya tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane ayaa sidoo kale si cajiib leh ku bilowday xilli ciyaareedka inkastoo ku dhawaad muddo bil ah ku maqnaa dhaawac.Waxa uu dhaliyay todoba gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isagoo 13 gool dhaliyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Anfield ee horyaalka Premier League.

Aubameyang ayaa isna ka mid ahaa weeraryahanada ugu fiican Yurub sannadihii u danbeysay waxaana uu xilli ciyaareedka ku bilowday goolal badan.Waxa uu dhaliyay 13 gool 15 kulan uu Bundesliga saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu shan gool kale ka dhaliyay German Cup iyo Champions League.

1 Comment

Comments are closed.