RASMI: Mid Kamid Ah Xiddigaha Manchester United Oo Uu Dhaawac Kusoo Gaadhay Xerada Tababarka & Kooxda Oo Si Rasmi Ah U Xaqiijisay.

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaawaca soo gaadhay xiddiga kooxdeeda ee Alexis Sanchez kaas oo sida ay kooxdu cadaysay ku dhaawacmay tababarka kooxda isla markaana uu shaki ku jiro inuu kooxda matalo kulanka soo socda ee Southampton.

Xiddiga ree Chile ayaa ku fashilmay inuu isku muujiyo tababare Jose Mourinho kana xaqjijisto booskiisa safka koowaad iyadoo kaliya 7 kulan lagu soo bilaabay 19 kulan oo ay kooxdu ciyaartay tartamada oo dhan.

Dhaawaca soo gaadhay Sanchez ayaa ah mid dhinaca muruqa ah sida ay kooxdu xaqiijisay waxaana uu u baahan doonaa baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay.

Qoraalka ay Red Devils ku shaaciyeen dhaawaca Alexis ayaa ahaa “Alexis waxa uu dhaawac muruqa ahi ku gaadhay tababarka maalinimadii Khamiista dhaawacaas oo u baahan baadhitaano dheeraad ah si loo xaqiijiyo halisnimadiisa”

Heshiiskii uu Sanchez ugu soo biiray kooxda Old Trafford ayaa ahaa mid u muuqday mid xiiso badan kaddib markii ay saxeexiisa ku garaaceen kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City walow ay jamaahiirtu ka waayeen wixii ay ka filayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Sanchez ayaa Manchester United u dhaliyay 4 gool oo kaliya 30 kulan oo uu matalay waxaana gabi ahaanba laga reebay safkii uu Mourinho u xushay kulankii ay dhawaan guusha ka gaadheen kooxda Young Boys.