RASMI: Mid Kamid Ah Saddexleyda Weerar Ee Liverpool Oo Heshiis Wakhti Dheer Ah Mustaqbalkiisa Ugu Hibeeyay Reds & Hadaladii Uu Yidhi Heshiiska Kaddib.

Garabka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa u muuqda mid mustaqbalkiisa oo idil gacanta u galiyay kooxdiisa kaddib heshiis cusub oo uu qalinka ugu duugay isla markaana uu kaga fariyay jamaahiirta kooxdaas.

Xiddigan ree Senegal ayaa aduun dhan 34 Milyan kaga yimid dhinaca kooxda Southampton bishii June ee sanadkii 2016 waxaana uu tan iyo markaas xubin muhiim ah ka noqday safka kooxda isaga oo soo dhaliyay 40 gool 89 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Mane has committed his long-term future to the 'Reds'. LiverpoolFC

Wadahadaladan ayaa la furay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore markaas oo kooxo badan oo ay ugu horreyso Real Madrid ay isku day ku samaysay saxeexa xiddigan balse waxa uu haatan qalinka ku duugay heshiis Anfield kusii hayn doona ilaa sanadka 2023.

“Anigu aad baan ugu faraxsanahay inaan sii dheereeyo wakhtigayga Liverpool, Maalin weyn ayay ii tahay aniga waxaanan sameeyay go’aankii ugu fiicnaa ee nolosheyda” Ayuu yidhi Sadio oo dareenkiisa cabiray heshiiska kaddib.

“Waxaan rajaynayaa waxkasta oo aan kooxda ku caawinayo iyo si aan uga caawiyo kooxda inay gaadho riyooyinkeeda gaar ahaan inaan ku guuleysano kooban”

“Waxaan yidha markasta ‘Markii aan ogaaday fursada aan halkan (Liverpool) ku imanayo, Maan fikirin laba jeer waxaan imid kooxdii igu haboonayd, Wakhtigii ku haboonaa iyo tababarihii ku haboonaa sidoo kale, Halkanaan imid aad ayaanan u faraxsanaa”

Mane ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda loo magacaabay xiddigii sanadkaas ugu wacnaa xiddigaha Reds waxaana uu markale awoodiisa ciyaareed muujiyay sanadkii hore isaga oo dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan.