RASMI: Maxkamada Dalka Spain Oo Go’aan Ka Soo Saartay Khilaafkii Maamulka La Liga Iyo Xidhiidhka Kubbada Cagta Ee Kulamada Horyaalka La Liga.

Maxkamada dalka Spain ayaa go’aan ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyay xidhiidhka kubbada cagta Spain (RFEF) iyo maamulka horyaalka La Liga kuwaas oo isku maan dhaafay maalmaha ay tahay in la ciyaaro kulamada xili ciyaareedka cusub ee La Liga.

Maamulka La Liga ayaa doonayay in kulamada horyaalka La liga ee xili ciyaareedka cusub in la ciyaaro maalmaha jimcaha, sabtida, axada iyo Isniinta laakiin xidhiidhka kubbada cagta Spain ee (RFEF) ayaa ka hor yimid in maalmaha isniinta iyo jimcaha la ciyaaro kulamada horyaalka La Liga.

Garsooraha arintan gacanta ku hayay ee Andres Sanchez Magro ayaa maanta go’aan gaadhay wuxuuna u muuqday mid go’aankiisa ku saleeyay meel dhex dhexaad ah oo uu iskugu keenay maamulka La liga iyo xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF.

SIDOO KALE AKHRISO:  SAADAAL: Super Computer Oo Saadaaliyay Kulamada Furitaanka Premier League, Guardiola & City Oo Uu Naxdin Ku DILAY - Muxuu Ku Saadaaliyay Man United vs Chelsea?

Garsoore Andres Sanchez Magro ayaa go’aamiyay in maalinta isniinta aan la ciyaari karin kulamada horyaalka La Liga balse waxa uu ogolaaday in maalmaha jimcaha la ciyaari doono.

Ugu horayn waxa uu go’aankani maalinta jimcaha ku taageeray maamulka horyaalka La liga halka uu ku khilaafay rabitaankii xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF balse in uu garsoore Andres Sanchez Magro meesha ka saaray maalinta isniinta waxa uu taageeray soo jeedintii xidhiidhka kubbada cagta Spain halka uu maamulka La Liga arintan ku khilaafay.

Go’aankani waxa uu sabab u noqday in maamulka La Liga ay qasab ku noqotay in ay dib ugu laabtaan jadwalkii iyo taariikhdii ay hore u shaciyeen in la ciyaari doono kulamada xili ciyaareedka cusub iyaga oo badalay maalmihii isniinta ee go’aankani meesha ka saaray.

SIDOO KALE AKHRISO:  Pedro Rodriguez Oo Tilmaamay Difaaca Kaliya Ee Virgil van Dijk La Barbar Dhigi Karo-Miyuu Difaacaasi Premier League Ka Ciyaaraa?

Waxa kale oo hadda si rasmi ah loo ogaaday isla markaana uu maamulka La Liga ku dhawaaqay in kulanka furitaanka xili ciyaareedka cusub ee La Liga ee kooxaha Barcelona iyo Athletic Bilbao uu bilaami doono Jimcaha.

Halkan kaga bogo Taariikhda iyo Waqtiga Rasmiga Ah Ee La Ciyaarayo kulamada furitaanka La LIga ee lagu dhawaaqay kadib xukunka maxkamadu soo saartay.