RASMI: Manchester United Oo Shaacisay Maaliyada Kooxdeeda Ee Xilli Ciyaareedka Dambe & Real Madrid Oo Farriin Ka Dhex Heshay.

Manchester United ayaa haatan ku dhawaaqday maaliyada ama midabka dirayska ay ku ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe kulamada ay joogaan Old Trafford.

Maaliyadan oo ah mida casaanka ah ee ay Man United ku ciyaarto kulamada ay mininka tahay ayuu isbedelka ugu weyn ee ka muuqdaa yahay sawirka calaamada kooxda oo midabka madawga sal looga dhigay.

Marka laga yimaado wax ku saabsan maaliyadan iyo muuqaalkeeda ayay dhinaca kale farriimo badani ku duugan yihiin waxaana ay sheekada ugu hadal haynta badani tahay in shaqsiyaadka soo bandhigay ay kamid yihiin Paul Pogba iyo David De Gea.

Iyadoo laga warqabo in ciyaartoyda soo bandhiga maaliyada intooda ugu badani ay kusii sugnaadaan kooxda xilli ciyaareedka dambe ayuu mustaqbalka haatan ee Pogba iyo De Gea shaki weyni ku jiraa.

Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda ree Spain ee Real Madrid mudooyinkii ugu dambeeyay iyadoo ay saadaal badani sheegaysay in 26 jirkani uu si weyn u doonayo inuu boorsadiisa ka qaato Old Trafford balse bandhigiisa maaliyada ayaa niyada u dajin doona taageerayasha kooxdiisa.

Dhinaca kale De Gea oo xilli ciyaareedkan bandhig aan wanaagsanayn kasoo sameeyay kulamadii horyaalka ee kooxdiisa ayuu mustaqbalkiisa shaki yari ku jiray waxaana doonaysa saxeexiisa kooxda ree France ee PSG.

Sawiradda Maaliyada Kulamada Mininka Ee Man United 2019-2020.