RASMI: Man United Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Dalku Galkii Maraykanka Ee Alexis Sanchez Loo Diiday Iyo Jamaahiirta Red Devils Oo War Farxad leh Helay.

Kooxda Manchester United ayaa war saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dalku galkii Maraykanka ee Alexis Sanchez  loo diiday kaas oo uu ku seegayay kulamada xiisaha badan ee ICC Cupka ee ay kooxdiisa Red Devils kaga qayb galayso US waxayna Red Devils soo saartay war ay si wayn ugu diirsadeen jamaahiirta kooxdeeda Manchester United.

Alexis Sanchez ayaa loo ogolaaday in uu u duuli karo dalka Maraykanka isla markaana uu la midoobi karo kooxdiisa Manchester United kadib markii loo ogolaaday in uu soo gali karo US inkasta oo hore loogu diiday dalku galka Marakaynka maadaama oo maxkamada dalka Spain ku taal ay xukun xabsi 16 bilood ah ku riday.

War saxaafadeedka Manchester United ayaa lagu muujiyay in ay war aad u fiican tahay in Alexis Sanchez  uu US kula midoobi doono ciyaartoyda kooxdiisa waxayna arintan farxad wayn u tahy Jose Mourinho oo safarka US ku tilmaamay mid aad u xun maadaama oo uu Sanchez seegayay kulamadan isla markaana ay xidigo koobka aduunka ka soo ciyaaray ka maqan yihiin.

War saxaafadeedka Man United ee Alexis Sanchez  ayaa lagu yidhi: “Waxaa jira war wanaagsan oo ku saabsan Alexis Sanchez iyadoo xiddiga reer Chile ogolaansho loo siiyay in uu u duulo Mareykanka si uu ugu biiro  Safarka Tour 2018 ee uu soo diyaariyay Aon”.

Waxaana qoraalka Man United la sii raaciyay: “Saxiixa biishii January waxa uu taam ahaanshihiisa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay uu ku sii watay xarunta tababarka ee Aon Training Complex, laakiin midkiisii ugu danbeeyay waxa uu dhamaystay khamiistii”.

Warka duulimaadka Sanchez oo qoraalkan looga sii hadlay ayaa lagu yidhi: ” Hadda waxa uu isagu u duuli doonaa bada Atlantic Ocean-ka ilaa  Los Angeles si uu kooxda ula midoobo”. Warkan ayaa ah mid aad uga farxinaya Jose Mourinho iyo jamaahiirta Man United ee safarkooda US.

Manchester United ayaa kulamada xili ciyaareedka cusub ka horeeya bilaaban doonta saacadaha hore ee jimcaha waxayna la ciyaari doontaa kooxda Club America waana kulanka ugu horeeya shanta kulan ee ay ciida Maraykan ku ciyaar doonaan.

Waxayna kooxda Jose Mourinho ee Red Devils ay wajihi doontaa kooxaha San Jose Earthquakes, AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid halka kooxda Bayern Munich ay ku booqan doonto Allianz Arena. Waxayna kadib Man United garoonkeeda Old Traffrod ku bilaaban doontaa kulanka Premier league ee Leicester City oo la ciyaari doono August 10.