RASMI: Man United Oo Si Rasmi Ah U Dhammaystirtay Saxeexeedii Ugu Horreeyay Xagaagan & Ahna Saxeexii Koowaad Ee Solskjaer.

Manchester United ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay saxeexeedii ugu horreeyay ee suuqa xagaagan iyo midkii u horreeyay ee mudo xileedka Ole Gunnar Solskjaer iyaga oo ku dhawaaqay soo xero-galinta da’yarkii Swansea ee Daniel James.

James oo suuqii bishii January qarka u fuulay inuu u wareego kooxda Leeds United ayaa Red Devils ugu soo biiray heshiis 15 Milyan ku qabsoomay oo ay dheeraan doonaan 3 Milyan oo gunooyin ah.

Kooxda ree France ee Monaco ayaa isku dayday inay goor dambe Man United kahor qaado saxeexa James isagoo sidoo kale xiiso ka helayay kooxaha Everton iyo Leicester City balse waxa uu horeba qalbiga u gashaday Old Trafford.

James ayaa si weyn loogu amaanay shaqada aan dhammaadka lahayn ee uu garoonka ka dhex qabto iyo xawaarihiisa waxaana uu 32 kulan Swansea ugu soo dhaliyay 4 gool halka uu toddoba kale caawiye kasoo ahaa.

Daniel James ayaa noqonaya saxeexii ugu horreeyay ee tababare Solskjaer halka Eric Bailly uu soo ahaa saxeexii ugu horreeyay ee Jose Mourinho, Waxa intaas dheer in Ander Herrera oo xagaagan u wareegaya PSG uu ahaa saxeexii ugu horreeyay ee Louis Van Gaal.

Tababarihii ka horreeyay Van Gaal ee David Moyes ayuu isagana saxeexii uu ku furtay waayihiisa Man United ahaa Maroaune Fellaine oo dhawaan Old Trafford ka baxay halka halyeeyga kooxda ee Sir Alex Ferguson uu saxeexiisii koowaad ka dhigay Viv Anderson oo £250,000  sanadkii 1987 ugaga soo biiray Arsenal.

1 Comment

Comments are closed.