RASMI: Man United, Arsenal, AC Milan Iyo Liiska Kooxaha Champions League Ka Saaqiday Ee Sida Tooska Ah Ugu Soo Baxay Europa League.

Kadib markii xalay la ciyaaray finalkii tartanka UEFA Europa League waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in 17 kooxood ay si toos ah ugu soo baxeen heerka groupyada Europa league ee xili ciayareedka cusub ee soo socda.

Kooxda Arsenal oo xalay guuldaro kala kulantay Chelsea ee finalkii Europa League ayaa dib ugu soo dhacday tartanka ay doonaysay in ay isaga laftiisa dariiq uga dhigato in ay Champions League ugu soo baxdo.

Arsenal waxay ka mid noqotay 17 kooxood oo si toos ah ugu soo baxay heerka guruubyada Europa League ee xili ciyaareedka cusub waxaana liiskan kula jira kooxaha waa wayn ee Man United iyo AC Milan.

Man United ayaa kaalinta lixaad kaga dhamaysatay Premier League waxayna seegtay fursadii ay kaga ciyaari lahayd Champions League waxaana la mid ah AC Milan oo wali ku sii jiri doonta dhibaatada ay sanadihii ugu danbeeyay ku seegaysay Champions League.

Tartanka UEFA Europa league waa mid ciqaab u ah kooxaha waa wayn ee Yurub waana tartan ay neceb yihiin in ay ka soo muuqdeen iyada oo waliba uu yahay tartan aad uga adag Champions League marka loo eego tirada kooxaha ka qayb gasha.

Kooxaha Sida Rasmiga Ah Ugu Soo Baxay Heerka Guruubyada Europa league Ee Xili Ciyaareedka Cusub:

SPAIN: Getafe, Sevilla

ENGLAND: Arsenal, Manchester United

ITALIA: LazioAC Milan

GERMANY: Mönchengladbach, Wolfsburg

FRANCE: Rennes, Saint-Étienne

RUSSIA: CSKA Moskva

PORTUGAL: Sporting CP

UKRAINE: Olexandriya

BELGIUM: KV Mechelen

TURKEY: Beşiktaş

AUTERIA: Wolfsberg

SWITZERLAND: Lugano

Waxaa tartanka Europa League ka qayb gala 48 kooxood taas oo la micno ah in 21 kooxood ay isreeb reebyo badan ka soo bixi doonaan halka lixda kooxood ee ku fashilma isreeb reebka Play-offka u soo bixitaanka Champions Leauge ay Europa league ku soo biiri doonaan.

Waxa kale oo Europa league ku soo biiri doona afar kooxood oo ka mid ah kooxaha ku hadhi doona isreeb reebka wareega saddexaad ee Champions League loogu soo baxayo.

Si kastaba ha ahaatee, in Arsenal, Man United iyo AC Milan ay ka mid hihiin kooxaha magaca wayn ee Europa League ka ciyaari doona waxay wali tartankan ka sii dhigi kartaa mid daawashadiisu fiican tahay.