RASMI: Madaxweynihii Horyaalka Spain Ee Laliga Oo Is Casilay

Advertisements

Madaxweynihii horyaalka kubadda cagta waddanka Spain ee LaLiga ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu soo hayey tan iyo sannadkii 2013-kii.

Javier Tebas oo muddadii uu xilka hayey soo kordhiyey waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin in kulamo ka tirsan horyaalka lagu ciyaaro waddanka Maraykanka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay is casilay.

Madaxweyne Tebas waxa uu doonayaa inuu mar kale u tartamo madaxtnimada oo loo doorto lix sannadood oo kale, hase yeeshee sida uu dhigayo sharciga doorashada madaxtinimada maamulka horyaalka kubadda cagta waddanka Spain ee LaLiga, qofka doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha, waxa laga doonayaa inuu ahaado mid aan xil haynin, sidaas darteedna waxa uu Tebas ku qasbanaaday inuu xilka ka dego ka hor doorashada.

Lama sheegin qofka beddelaya Tebas muddada ka horreysa doorashada oo dhacaysa horraanta sannadka cusub ee 2020, balse waxa la saadaalinayaa in Tebas uu mar kale kusoo laaban doono.

Advertisements

 

Advertisements