RASMI: Maamulka Premier League Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 24-Aad- Ayaa Qaban Doona Chelsea Vs Arsenal?

Advertisements

Maamulka Premier league ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 24 aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana jira kulamo xiiso badan oo saamayn ku yeelan kara kaalmaha sare iyo waliba koobka Premier league.

Kooxaha Premier League ma heli doonaan waqti badan oo ay ka nastaan kulamadii 23 aad ee la ciyaaray waxaana talaadada iyo khamiista, January 21 – January 23 la ciyaari doonaa kulamada 24 aad ee horyaalka Ingiriiska.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa garsoorayaasha loo doortay kulamada ay kooxaha waa wayn ee Premier League ciyaari doonaan gaar ahaan kulanka London Derby ee kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Arsenal oo ay xaaladu ku xun tahay isla markaana uu Aubameyang ganaax kaga maqan yahay ayaa Stamford Bridge ku booqan doonta kooxda ay London ku xifiltamaan ee Chelsea waxaana kulankan loo doortay garsoore Stuart Attwell.

Dhinaca aalada saamaynta badan ee VAR waxaa garsoore ka noqon doona kulanka Chelsea iyo Arsenal Paul Tierney.

Manchester United oo wali la xanuunsanaysa guuldaradii Liverpool ayaa Old Trafford ku soo dhawayn doonta kooxda Burnley waxaana kulankan loo doortay garsoore Jonathan Moss waxaana garsooraha VAR loo magacaabay Graham Scott.

Liverpool waxay mari doontaa imtixaan adag iyada oo booqan doonta kooxda dhibta badan ee Wolves oo waliba todobaadkan wacdaro dhigtay waxaana kulankan loo doortay garsoore Michael Oliver halka garsooraha VAR uu noqon doona Craig Pawson.

Manchester City waxay iyaduna booqan doontaa kooxda xili ciyaareedkan layaabka ka dhigaysa Premier League ee Sheffield United oo Arsenal barbaro ku qabtay waxaana kulankan qaban doona garsoore Lee Mason.

Halkan kaga bogo Garsoorayaasha kulamada 24 aad ee Premier League:

Chelsea Vs Arsenal:

Garsoore: Stuart Attwell.

VAR: Paul Tierney.

Manchester United Vs Burnley

Garsoore: Jonathan Moss

VAR: Graham Scott

Wolves Vs Liverpool

Garsoore: Michael Oliver

VAR: Craig Pawson

Sheffield United Vs Manchester City

Garsoore: Lee Mason.

VAR: Andy Madley

Tottenham Vs Norwich City

RGarsoore: Chris Kanavagh

VAR: Mike Dean

Advertisements