RASMI: Maamulka Premier League Oo Ku Dhawaaqay Garsoorka Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 16-Kaa Horyaalka Ingiriiska- Ayaa Loo Doortay Cheslea vs Man City?

Maamulka horyaalka Premier league ayaa sidii looga bartay ku sii dhawaaqay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 16 aad ee horyaalka Ingiriiska. Kulamada 16 aad ee Premier league ayaa la ciyaari doonaa sabtida, axada iyo Isniinta iyada oo kulamada ugu badan sabtida la ciyaari doono.

Kulanka ugu wayn ee horyaalka Premier League laga ciyaari doono kulamada 16 aad ayaa ah kulanka dhex mari doona kooxaha Manchester City iyo Chelsea. Kooxda Chelsea oo dhibaato ku soo jirtay kulamadii ugu danbeeyay ayaa soo dhawayn doonta kooxda aan wali guuldaraysan ee Man City.

Manchester City ayaa isku dayi doonta in ay sii joogtayso labada dhibcood ee ay Liverpool ka sarayso laakiin haddii ay kooxda Guardiola guul ka soo gaadhi kari waydo Blues waxay halis ugu jirtaa in ay hogaanka u lumiso Liverpool oo cadaadis wayn soo saaraysa.

Maamulka Premier league ayaa  Michael Oliver u doortay in uu dhex dhexaadiyo kulanka ugu wayn ee Chelsea iyo Man City halka garsoore Lee Mason uu qaban doono kulanka kale ee Liverpool iyo Bournemouth oo saamayn ku yeelan kara isla kulanka Stamford Bridge.

Kulanka Man United ay soo dhawayn doonto kooxda Fulham waxa loo doortay garsoore Lee Probert halka kulanka Arsenal iyo Huddersfield Town uu qaban doono garsoore Martin Atkinson.

Halkan kaga bogo Garsoorka Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 16 Iyo Taariikhda La Ciyaarayo.

Sabtida, 8 December

Bournemouth v Liverpool
Garsoore: Lee Mason

Arsenal v Huddersfield Town
Garsoore: Paul Tierney

Burnley v Brighton & Hove Albion
Garsoore: Martin Atkinson

Cardiff City v Southampton
Garsoore: Jonathan Moss

Man United v Fulham
Garsoore: Lee Probert

West Ham United v Crystal Palace
Garsoore: Anthony Taylor

Chelsea v Manchester City
Garsoore: Michael Oliver

Leicester City v Tottenham Hotspur
Garsoore: Craig Pawson

Axada 9 December
Newcastle United v Wolves
Garsoore: Mike Dean

Isniinta 10 December
Garsoore: Everton v Watford