RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Garsoorka Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Labaad Ee Xili Ciyaareedka Cusub.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada labaad ee xili ciyaareedka cusub.

Kooxaha Premier League ayaa isku diyaarinaya kulamada labaad ee xili ciyaareedka cusub kadib kulamadii xiisaha badnaa ee ay Premier League ku bilawdeen.

Kulamada labaad ee xili ciyaareedka cusub ee Premier League waxaa la ciyaari doonaa maalmaha sabtida, axada iyo Isniinta iyada oo ay jiraan kulamo xiiso badan oo ay tahay in si gaar ah loo sugi doono.

Kulamada labaad ee Premier League waxaa lagu bilaabi doonaa kulanka ay Arsenal soo dhawayn doonto kooxda Burnley waxaana kulankan loo doortay garsoore Mike Dean.

Kulanka adag ee ay Liverpool booqan doonto kooxda Southampton waxaa loo doortay garsoore Andre Marriner halka kulanka ugu wayn kulamada labaad ee Man City iyo Tottenham uu dhex dhexaadin doono garsoore Michael Oliver.

Kulanka kastaaba waxa uu leeyahay laba garsoore, waa garsooraha dhexe ee ciyaarta iyo waliba garsooraha VAR kaas oo dhacdooyinka muhiimka ah la socon doona.

Halkan kaga bogo garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada labaad ee Premier League:

Kulamada Sabtida, August 17

Arsenal v Burnley
Garsoore: Mike Dean
Garsooraha VAR: Chris Kavanagh

Aston Villa v AFC Bournemouth
Garsoore: Martin Atkinson (pictured)
Garsooraha VAR:: Jon Moss

Brighton v West Ham United
Garsoore: Anthony Taylor
Garsooraha VAR: Darren Bond

Everton v Watford
Garsoore: Lee Mason
Garsooraha VAR: Kevin Friend

Norwich City v Newcastle United
Garsoore: Stuart Attwell
Garsooraha VAR: Simon Hooper

Southampton v Liverpool
Garsoore: Andre Marriner
Garsooraha VAR: Craig Pawson

Manchester City v Tottenham Hotspur
Garsoore: Michael Oliver
Garsooraha VAR: Graham Scott

Kulamada, August 18

Sheffield United v Crystal Palace
Garsoore: David Coote
Garsooraha VAR: Martin Atkinson

Chelsea v Leicester City
Garsoore: Graham Scott
Garsooraha VAR: Mike Dean

Kulanka Isniinta, August 19

Wolves v Manchester United
Garsoore: Jon Moss
Garsooraha VAR: Paul Tierney