RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Ku Dhawaaqay Tababaraha Ku Guuleystay Macalinkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Bishii October

Maamulka horyaalka Premier League ayaa dhawaan si rasmi ah u shaaciyay macalinka sida rasmiga ah ugu guuleystay tababarihii ugu fiicnaa gudaha horyaalka ee bishii hore October.

Tababaraha kooxda Bournemouth ee Eddie Howe ayaa si rasmi ah loogu doortay midkii ugu fiicnaa hoggaamiayasha Premier League bishii tagtay isaga oo abaalmarinta ku garaacay tababarayal waaweyn.

Howe: Barclays award is for the whole club

Howe ayaa 10 dhibcood uga keenay kooxdiisa afar kulan oo ay bishaas ciyaartay, mana ahan markii ugu horreysay ee uu abaalmarintan hanto maadaama oo uu min hal jeer kusoo guulaystay labadii xilli ciyaareed ee hore.

Bournemouth ayaa tababare Eddie Howe uga mahad celinaysa inuu kooxda gaadhsiiyay heer sarre maadaam oo uu la gaadhay heerkoodii ugu fiicnaa ee abid ay ka gaadhaan Premier League tan iyo wakhtigii ay usoo dalaceen horyaalka sanadkii 2015.

Kaddib hanashada abaalmarintan, Eddie oo dareenkiisa cabiray ayaa sheegay inuu dareemay han weyni isaga oo dhinaca kale amaanta ugu badan u jeediyay xiddigaha safkiisa oo uu ku sheegay kuwo bandhig xirfadaysan la yimid.

40 jirkan ayaa yidhi “Aad baan u han weynahay, Waynu garanaynaa sida ay u adagtahay in heerkan natiijooyinka wanaagsan la joogteeyo, Loolanka aad kala kulmeyso kooxo kale waa mid aad u xoogan”

“Bil aad u fiican ayay noo ahayd anaga, Waxaan filayaa inay ciyaartoydu ahaayeen kuwo ay fiicantahay maskaxda ay kulamada ku galayaan, Sidaa aynu ka arkaynay kulamada markii aan guuleysanayay, Waxay ahayd mid aad u xirfadaysan oo cidkasta ka timid”