RASMI: Maamulka Horyaalka Premier League Oo Ku Dhawaaqay Guuleystaha Goolkii Ugu Qurxoonaa Bishii October & Xiddig Arsenal Ka Tirsan Oo Hantay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa noqday shaqsiga ay maamulka horyaalka Premier League u doorteen inuu yahay guuleystaha goolkii ugu qurxoonaa guud ahaan horyaalka ee bishii hore ee October.

Ramsey ayaa goolka uu abaalmarintan ku helay ka diiwaan gashaday kulankii ay 5-2 kaga adkaadeen kooxda ay London kawada socdaan ee Fulham markaas oo uu gool cidhib ah oo qurxoon dhex dhigay shabaqa.

Ramsey wins Carling award for brilliant Arsenal goal

Ramsey ayaa ugu horreynba soo dhistay kubadda uu goolku ku yimid isaga oo basaas weydaarsaday dhawr xiddig oo Gunners ka qayb ah ugu dambayna gool farshaxanimo oo uu caawintiisa lahaa Aubameyang dhammaystiray.

Kaddib hanashadii abaalmarinta Ramsey oo ka hadlay qaabka goolkani ku yimid ayaa yidhi “Auba ayaa soo tuuray kubadda waxayna ahayd mid wax yar iga dambaysa, Waan isku dayay waanan dhaqaaqay midaasina waxay ahayd wixii ugu horreeyay ee aan ku fikiray aniga oo isku dayay inaan u dhaqaajiyo dhinaca goolka”

Shaqsiyaadka uu goolka bisha kaga adkaaday Ramsey ayuu kamid ahaa saaxiibkiisa Aubameyang oo gool ay si wadareed kooxdu uga soo shaqaysay kulankii Leicester City ku tartamayay, Sidoo kale xiddigaha Ricardo Pereira, Gylfi Sigurdsson, Andre Schurrle, Roberto Pereyra, Riyad Mahrez iyo Anthony Martial. ayaa kamid ahaa tartamayasha.

Goolkan ayaa helay codadka ugu badan ee laga soo ururiyay guddidii xulaysay iyo waliba jamaahiir badan oo ku codeeyay boga rasmiga ah ee Carling-ka.