RASMI: Maamulka Horyaalka La Liga Oo Shaaciyay Ciyaartoydii Ugu Wax Qabadka Fiicnaa Xili Ciyaareedkan.

Maamulka horyaalka La liga ayaa daabacay xogta ciyaartoydii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa La Liga ee kaalmaha hore galay.

Xili ciyaareedka horyaalka La Liga ayaa la soo gaba gabeeyay iyada oo lagu kala baxay wax walba oo loo tartamayay. Barcelona ayaa kooba ku guulaystay halka kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid iyo Valencia ay Champios League kula biireen Blaugrana.

Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkan min kaalinta kowaad kaga dhamaysatay gool dhalinta iyo gool caawinta isaga oo waliba xili ciyaareedkii lixaad ku guulaysatay abaal marinta Pichichi.

Lionel Messi ayaa gool dhalinta La Liga kaalinta kowaad ugu galay 36 gool halka uu gool caawinta kaalinta kowaad ugu jiro 13 gool caawin.

Waxay tani la micno tahay in Liionel Messi uu xili ciyaareedkan ku soo lug yeeshay 49 gool oo horyaalka La Liga ay ka soo dhalisay kooxdiisa Barcelona.

Goolhaye Jan Oblak ayaa xili ciyaareedkii afraad oo xidhiidh ah ku dhamaysatay goolhayaha horyaalka La Liga ee goolasha ugu yar laga dhaliyay ee shabaqa nadiifta ah ee ugu badan soo ilaashaday.

Halkan kaga bog sida loogu kala guulaystay wax qabadkii ugu muhiimsanaa ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Gool dhalintii ugu badnayd ee La Liga – Messi (36)

Gool caawintii ugu badnayd ee La Liga – Messi, Sarabia (13)

Shabaqii nadfiita ahaa ee ugu badnaa La Liga – Oblak (20)

Goolashii ugu yaraa ee goolhaye laga dhaliyay – Oblak (27)

Gool badbaadintii ugu badnayd – Bono (125)

Baas bixintii ugu badnayd ee La Liga – Mandi (2578)

Soo Kabsashadii kubbadeed ee ugu badnayd – Banega (290)