RASMI: Luka Modric Oo Loo Doortay Xidiga Aduunka Ugu Fiican Ee Abaal Marinta IFFHS Iyo Rekoodhkii Lionel Messi Oo Soo Dhamaaday.

Luka Modric ayaa abaal marin kale ku darsaday abaal marinihii badnaa ee uu sanadkan ku soo guulaystay waxanaa loo doortay xidiga aduunka ugu fiican ee abaal marinta IFFHS. Xidhiidhka caalamiga ah ee xogta iyo taariikhda kubbada cagta ee magacooda loo soo gaabiyo IFFHS ayaa sanad kasta bixiya abaal marino badan oo kubbada cagta ah.

Abaal marinta ugu muhiimsan ee sanadkan 2018 ee IFFHS waxaa ku guulaystay Luka Modric kaas oo markale xidighii abaal marintan iska soo yeeshay ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ka hor qaaday wuxuuna abaal marintan ku darsaday abaal marinihii xidiga Yurub iyo aduunka ugu fiican ee UEFA iyo FIFA bixiyeen.

Luka Modric aya helay dhibcihii ugu badnaa oo ah 272 dhibcood waxaana ku soo xigay Lionel Messi oo helay 128 dhibcood taas oo keentay in Modric loo doortay xidiga aduunka ugu fiican ee abaal marinta sanad laha eh ee Xidhiidhka caalamiga ah ee xogta iyo taariikhda kubbada cagta.

Lionel Messi ayaa saddexdii sanadood ee ugu danbeeyay si joogto ah ugu soo guulaysanayay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee . Xidhiidhka caalamiga ah ee xogta iyo taariikhda kubbada cagta laakiin Modric ayaa ugu danbayn noqday xidiga soo gaba gabeeyay rekoodhkii Lionel Messi.

Codbixinta . Xidhiidhka caalamiga ah ee xogta iyo taariikhda kubbada cagta ee IFFSH waxaa codbixin laga qaadaa khabiirada kubbada cata ee 90 wadan waxayna sanadkan doorteen Luka Modric kaas oo sidoo kale ugu cad cad abaal marinta Ballon d’Or.

Eden Hazard ayaa kaalinta saddexaad soo galay wuxuuna helay 114 cod halka kaalmaha xiga loo kala galay Kevin de Bruyne (36 dhibcood), Neymar (18), Paul Pogba (14), Christian Eriksen (10), Miralem Pjanic (7), James Rodriguez ( 7), Cristiano Ronaldo (5), Isco Alarcon (3), Jorge Luiz Frello ‘Jorginho’ (3), Kylian Mbappe (3), Ivan Rakitic (3), Philippe Coutinho (2), Toni Kroos (1) iyo Thiago Alcantara (1).

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta 10 aad kaga jira codbixintan isaga oo 5 dhibcood oo kaliya ka helay halka Neymar Jr uu kaalinta 5 aad ugu jiro 18 dhibcood.

Halkan Kaga Bogo Liiska Ciyaartoy Codka Ka Helay Abaal Marinta IFFHS:

1- Luka Modric= 272 Dhibcood

2- Lionel Messi= 128 Dhibcood

3- Eden Hazard=114 dhibcood

4-Kevin de Bruyne (36 dhibcood),

5-Neymar Jr (18 dhibcood)

6-Paul Pogba (14 dhibcood),

7-Christian Eriksen (10 dhibcood),

8-Miralem Pjanic (7 dhibcood),

9-James Rodriguez ( 7 dhibcood),

10-Cristiano Ronaldo (5 dhibcood),

11-Jorge Luiz Frello ‘Jorginho’ (3 dhibcood)

12-Kylian Mbappe (3 dhibcood)

13-Isco Alarcon (3 dhibcood),

14-Ivan Rakitic (3 dhibcood),

15-Philippe Coutinho (2 dhibcood),

16-Toni Kroos (1 Dhibic)

17-Thiago Alcantara (1 Dhibic)

Dhinaca kale goolhayaha Real Madrid iyo xulka qaranka Belgium ee Thibaut Courtois ayaa loo doortay goolhayaha aduunka ugu fiican wuxuuna noqday goolhayihii ugu horeeyay ee Belgium ka soo jeeday ee abaal marintan ku guulaystay tan iyo Jean-Marie Pfaff oo abaal marintan ku guulaystay sanadkii 1986 kii iyo Michel Preud’homme (1994).

Coutois ayaa helay 181 dhibcood ee codbixintii lagu soo xulanayay goolhayaha aduunka ugu fiican waxaana ku soo xiga goolhayaha koobka aduunka ku soo guulaystay ee Hugo Lloris kaas o helay 109 cod halkan hoose kaga bogo liiska goolhayahaasha codbixin wax ka helay.

Thibaut Courtois (181), Hugo Lloris (109), Gianluigi Buffon (59), Keylor Navas (58), Jan Oblak (49), Marc-Andre ter Stegen (49), Alisson Ramses Becker (36), David De Gea (33), Danijel Subasic (23), Manuel Neuer (20), Jordan Pickford (11), Kasper Schmeichel (9), Ederson (6), Samir Handanovic (4), Franco Armani (3), Igor Akinfeev (1), Guillermo Ochoa (1), Denis Onyango (1) and Yann Sommer (1).