RASMI: Luka Jović Oo Ka Gudbay Tijaabada Caafimaadka Real Madrid Iyo Heshiiskiisa Oo Saxaafada & Taageerayaasha Loo Soo Bandhigayo.

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in saxiixa cusub ee kooxdeeda ee Luka Jovic uu hadda si guulaysatay u dhamaystirtay tijaabadii caafimaadka waxaana hadda loo diyaarinayaa in uu markii ugu horaysay ka soo muuqan doono Santiago Bernabeu.

Luka Jovic ayaa xalay soo gaadhay kooxdiisa cusub ee Real Madrid wuxuuna hadda tijaabada caafimaadka ku maray cisbitaalka jaamacada La Moraleja University Hospital halkaas oo uu ku guulaystay in uu ku baaso baadhitaanadii caafimaad ee lagu sameeyay.

Luka Jovic ayaa soo gaadhay Real Madrid isaga oo farxad wayn ku jiray kadib markii uu todobaadkan goolkiisii ugu horeeyay ee xulkiisa Serbia uu ka dhaliyay kulankii Lithuania.

Real Madrid ayaa marka ay saacadu gaadho 13:00 CET waxay Luka Jovic u suurtogalin doontaa in uu markii ugu horaysay xidho maaliyada kooxdiisa cusub ee Los Blancos isaga oo taageerayaasha kaga soo hor muuqan doona Santiago Bernabeu.

21 sano jirkan ayaa ka mid ah saxiixyada uu Zidane xili ciyaareedka cusub doonayo in uu ku xaliyo dhibaatadii ay Madrid la soo kulantay xili ciyaareedkii dhamaaday isaga oo waliba soo muujiyay heer gool dhalin cajiib ah intii uu horyaalka Germany ka ciyaarayay.

Sawirka Luka Jovic oo tijaabada caafimaadka Real Madrid maraya ayaa la soo dhigay barta twitterka waxaana la soo raaciyay qoraalka ah: “Luka Jović waxa uu tijaabada caafimaadka ku maray cisbitaalka jaamacada La Moraleja University Hospital”. 

Taageerayaasha Real Madrid ayaa haddaba isku diyaarinaya in ay shirkii jaraa’id ee Luka Jović isaga oo ciyaartoyda Madrid ah ay dhegaystaan iyada oo la filayo in saxaafadu ay si wayn uga soo qayb gali doonto.

Inkasta oo ay Real Madrid xaflad fiican u samaynayso bandhiga heshiiska Luka Jović, haddana Florentino Perez iyo agaasimayaasha kooxdiisa Madrid ayaa diyaarinaya bandhigii ugu fiicnaa ee ay ciyaartoy u samayaan kaas oo Eden Hazard looga dhigi doono mid loo samaynayo xaflad ka wayntii Cristiano Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, Luka Jović ayaa hadda ku sugan xafiisyada Santiago Bernabeu isaga oo qalinka si rasmi ah ugu duugi doona heshiis waqti dheer ah waxaana heshiiskan la saxiixi doona Florentino Perez.