RASMI: Liverpool Vs Chelsea- Finalka UEFA Super Cup Oo Ay Reds & Blues Iskugu Soo Baxeen Iyo Xusuutii Istanbul Ee Reds Oo Dib Loo Soo Celiyay.

Guushii ay Liverpool ka gaadhay Tottenham ee koobka UEFA Champions League waxay si rasmi ah u xaqiijisay in Reds ay finalka UEFA Super Cup isku haleeli doonaan kooxda Premier league ee Chelsea.

Koobka UEFA Super Cup waxaa xili ciyaareed kasta bilawgiisa wada ciyaara labada kooxood ee ku guulaysta tartamada UEFA Champions league iyo UEFA Europa League.

Kadib markii ay laba kooxood oo Ingiriis ahi ay markii ugu horaysay kuwada guulaystaan Champions League iyo Europa League ayay taasi sabab u noqotay in Chelsea iyo Liverpool ay markale koobka UEFA Super Cupk keeni doonaan England.

Halkee Lagu Qaban Doonaa Finalka UEFA Super Cup ee Chelsea Iyo Liverpool?

Finalka UEFA Super Cup waxaa marti galin doona dalka Turkey gaar ahaan magaalada ay Liverpool xusuusta layaabka ah ku leedahay ee Istanbul waana goobtii ay Reds taariikhda kaga soo samaysay UEFA Champions League.

Liverpool iyo Chelsea ayaa ku kulmi doona finalka UEF Super Cup ee magaalada Istanbul ka qabsoomi doona wuxuuna noqon doonaa kulan final soo celin doona xusuustii Reds ee sanadkii 2005 kii markaas oo ay AC Milan oo 3-0 qaybtii hore kaga hor martay koobka Champions League kaga qaadeen magaalada Istanbul.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Finalka UEFA Super Cup ee Chelsea Iyo Liverpool?

Finalka UEFA Super Cup ayaa la ciyaari doonaa Arbacada, August 14,2019 wuxuuna kulanka finalka koobkani uu ka qabsoomi doonaa garoonka kooxda Besiktas ee Vodafone Park.

Magaalada Istanbul iyo garoonka Vodafone Park ayaa markii ugu horaysay marti galin doona finalka UEFA Super Cup oo ay iskaga hor imanayaan laba kooxood oo Ingiriis ahi.

Min Imisa Jeer Ayay Liverpool iyo Chelsea U Soo Baxeen Fialka UEFA Super Cup?

Liverpool waxay finalka UEFA Super Cup ka soo muuqan doontaa markeedii lixaad halka Chelsea ay markii afraad ee taariikhda kooxdeeda ciyaari doonto finalka UEFA Super Cup.

Min Imisa Jeer Ayay Liverpool iyo Chelsea Ku Soo Guulaysteen UEFA Super Cup?

Liverpool ayaa saddex jeer ku soo guulaysatay koobka UEFA Super Cup kuwaas oo kala ahaa sanadihii 1977,2001 iyo 2005 kii halka kooxda Chelsea ay hal mar ku soo guulaysatay UEFA Super Cup oo ah sanadkii 1998kii.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa bilawga xili ciyaareedka cusub la kowsan doonta tartamada Community Shield oo ay Man City kula ciyaari doonto Wembley Stadium iyo Finalka UEFA Super Cup oo ay Chelsea la ciyaari doonto.