RASMI: Liverpool Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Lambarada Ay Kooxdeeda U Xidhan Doonaan Saxiixyada Cusub Ee Ay Xagaagan La Soo Wareegtay.

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday lambarada ay kooxdeeda u xidhan doonaan saxiixyada cusub ee ay xagaagan la soo wareegtay. Kooxda Jurgen Klopp ee Reds ayaa isku diyaarinaysa kulanka furitaanka Premier league ee ay la ciyaari doonto West Ham waxayn ka hor  kulankan shaacisay lambarada ay saxiixyada cusubi kooxdeeda u qaadan doonaan.

Goolhaye Alisson Becker oo ay Liverpool lacag rekoodh ah kagala soo wareegtay AS Roma ayaa kooxdeeda u xidhan doona No.13 ka inkasta oo markii uu kulankii Napoli ku ciyaaray No.1 ka la sii saadaalinayay balse hadda waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in Alisson Becker uu Reds u qaadan doono No.13 ka waxaana dhabarka kaga qornaan doona  ‘A. Becker’.

Dhinaca kale Liverpool ayaa shaacisay in xidiga ree Brazil ee Fabinho uu xidhan doono No.3 kooxdeeda wuxuuna isku diyaarinayaa xili ciyaareedka cusub in uu door muhiim ah ku yeesho shaxda Jurgen Klopp maadaama oo uu dhawr boos ka ciyaari karo.

Liverpool ayaa shaacisay in da’yarka aadka loo qiimeeyo ee Rhian Brewster uu kooxdeeda kowaad u qaadan doono No.24 taas oo la micno ah in Jurgen Klopp uu da’yarkan fursad siin doono xili ciyaareedka cusub kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana u qandaraas cusub saxiixay.

Naby Keita ayaa hore u doortay lambarkii laga cabsanayay saamayntiisa ee uu Stevan Gerard ka baxay ee No.8 ka isaga oo cidlo ka qaatay lamarkan muhiimka ah wuxuuna muujiyay kalsoonida uu naftiisa ku qabo ee aanu cadaadis ugala kulmi karin culayska lambar uu baneeyay xidig saamayn xoogan Anfield ku soo yeeshay 17 sano.

Shaqiri ayaa isna qaatay No.23 halka da’yarka Sheyi Ojo oo ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka Liverpool uu qaadan doono No.54. Dhinaca kale da’yarka kale ee Curtis Jones oo kulamadii saaxiibtinimo si cajiib ah iskugu soo muujiyay ayaa xili ciyaareedka cusub loo soo dalacsiiyay kooxda kowaad wuxuuna xidhan doonaa No.64.