RASMI: Liverpool Oo Shaacisay Qorshaheeda Kulamada Saaxiibtinimo Ee Ay Maraykanka Ku Yeelan Doonaan Dhamaadka Xili Ciyaareedkan Iyo Kulamada La Ay Ciyaari Doonto.

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah hadda ugu dhawaaqday qorshaheeda dhamaadka xili ciyaareedkan iyo kulamada saaxiibtinimo ee ay ciida Maraykan ku yeelan doonto. Liverpool ayaa xaqiijisay in ay saddex kulan ku ciyaari doonaan USA inta lagu jiro dhamaadka xili ciyaareedkan iyo ka hor xili ciyaareedka soo socda.

Liverpool ayaa markale xagaaga ku laaban doonta daka Maraykanka oo ay sanadihii ugu danbeeyay fasaxooda ku soo aadanayeen wuxuuna kulanka ugu horeeyaa ka bilaami doonaa garoonka Notre Dame Stadium oo ku yaala  Indiana kaas oo dhex mari doona Liverpool iyo kooxdii hore ee Jurgen Klopp soo maamulay ee Borussia Dortmund.

Kulanka Liverpool iyo Borussia Dortmund waxaa la ciyaari doonaa July 19,2019 wuxuuna noqon doonaa furitaanka kulamada saaxiibtinimo ee ay Reds ku ciyaari doonto US.

Kulanka labaad ee ay Liverpool ku ciyaari doonto dalka Maraykanka waxa uu dhex mari doonaa kooxda Sevilla ee horyaalka Spain waxaana kulankan la ciyaari doonaa July 21 iyada oo uu ka dhici doono Fenway Park oo ku yaala Boston.

Kadib waxay kooxda Liverpool la ciyaari doontaa kooxda Sporting iyada oo kulankani uu ka dhici doono magaalada New York waxaana la ciyaari doonaa July 24,2019 iyada oo ciyaaru ka dhici doonta garoonka Yankee Stadium.

Kulamada Xili Ciyaareedka Cusub Ka Hor ee Ay Liverpool Ku Ciyaari Doonto USA:

Liverpool V Borussia Dortmund – Indiana – July 19

Liverpool V Sevilla – Boston – July 21

Liverpool Sporting – New York – July 24