RASMI: Liverpool Oo Liiska Ciyaartoyda Kooxdeeda Ee Tartanka Champions League Waxay UEFA.

Advertisements

Kooxda Liverpool ayaa UEFA u gudbisay liiska kooxdeeda ee ay ku sii wadan doonaan difaacashada koobka UEFA Champions League waxaana jira isbadal ay Reds ku samaysay liiskii ciyaartoyda kooxdeeda ee ay tartankan kaga soo qayb gashay qaybtii hore ee xili ciyaareedkan.

Advertisements

Liverpool waxay liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee UEFA loo gudbiyay ku soo dartay saxiixa cusub ee Takumi Minamino oo ay Reds ka soo bixisay 7.5 milyan ginni kaas oo suuqii bishii January ka soo wareegay kooxda Red Bull Salzburg.

Kooxaha Yurub waxay gudbiyaan liisaska ciyaartoyda kooxahooda ee Champions League laba jeer xili ciyaareedkii, waxayna kala yihiin bilawga xili ciyaareedka iyo marka uu soo xidhmo suuqa kala iibsiga January.

Marka laga yimaaado saxiixa cusub ee Minamino waxaa jira ciyaartoy da’yar ah oo Liverpool ku matali doona tartanka ay koobkiisa difaacanayaan ee Champions League.

Koox kasta oo qayb ka ah Champions League waxay gudbisaa laba liis oo loo kala yaqaan List A iyo List B waxaana qaybta hore ku jira ciyaartoyda waa wayn halka List B ay ku jiraan ciyaartoyda da’yarta ah haddii ay kooxda kowaad ka tirsan yihiin iyo haddii kaleba.

Calaamada xidigta ayaa saaran ciyaartoyda da’yarta ee Liverpool ee ku jira List B.

Liiska Ciyaartoyda Liverpool  Ee UEFA Loo Gudbiyay

Goolhayayaash: Alisson Becker, Adrian, Andy Lonergan, Caoimhin Kelleher*

Difaacyada: Virgil van Dijk, Dejan Lovren, Joe Gomez, Andy Robertson, Joel Matip, Adam Lewis*, Trent Alexander-Arnold*, Neco Williams*, Yasser Larouci*

Khadka Dhexe: Fabinho, Georginio Wijnaldum, James Milner, Naby Keita, Jordan Henderson, Alex Oxlade-Chamberlain, Adam Lallana, Xherdan Shaqiri, Curtis Jones*, Herbie Kane*, Harvey Elliott

Weeraryahano: Roberto Firmino, Sadio Mane, Mohamed Salah, Takumi Minamino, Divock Origi
Advertisements