RASMI: Liverpool Oo Dhamaystirtay Siddeeda Kooxood Ee Isku Aadka Champions League Hogaamin Doona Iyo Saamaynta Ay Yeelan Karaan Kooxaha Dheriga Kowaad Ku Jiraa.

Kadib markii ay xalay Liverpool ku guulaysatay tartanka UEFA Champions league waxay si rasmi ah u dhamaystirtay siddeeda kooxood ee hogaamin doona isku aadka heerka guruubada Champions League ee xili ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa ku biirtay todoba kooxood oo hore u sii xaqiijistay Pot1 ama dheriga kowaad ee isku aadka Champions league kuwaas oo ah kooxaha ku soo guulaystay horyaalada Yurub ugu waa wayn iyo Chelsea oo Europa league ku soo guulaysatay.

Sida uu sharciga UEFA ee isku aadka Champions league dhigayo, kooxaha ku guulaysta horyaalada England, Spain, France, Italy, Germany iyo Russia ayaa waqti xaadirkan ah kuwa Pot1 ku soo baxa waxaana ku biira labada kooxood ee ku kala guulaysta Champions League iyo Europa League.

Kooxaha Manchester City, Juventus, Barcelona, Bayern Munich, Paris Saint-Germain iyo Zenit St Petersburg oo horyaalada Yurub ugu waa wayn ku soo guulaystay oo lagu daray Chelsea iyo Liverpool ayaa ah kooxaha dheriga kowaad ee Pot1 ku wada jiri doona isku aadka Champions league.

SIDOO KALE AKHRISO:  CADAYN: Waayihii Ciyaareed Ee Neymar Jr Wuu Ka Soo Dhamaaday Paris! PSG Oo Talaabadan Qaaday Si Ay Cadayn Buuxda U Samayso.

Waxay tani la micno tahay in dhamaan kooxaha aan soo sheegnay ayna isku arki karin isku aadka heerka guruubyada Champions League.

Kooxaha Real Madrid, Ateltico Madrid, Tottenham, Borussia Dortmund, Napoli, Shakhar, Ajax iyo FC Porto ayaa ku jiri doona dheriga labaad ee Pot2. Inkasta oo Porto iyo Ajax ay ku qasaban yihiin in ay isreeb reeb ku xaqiijistaan booskooda.

Waxay tani la micno tahay in isku aadka Champions League ee xili ciyaareedka cusub ay isku group noqon karaan Liverpool iyo Real Madrid, Real Madrid iyo Chelsea, Atletico Madrid iyo Liverpool, Atletico Madrid iyo Chelsea.

Waxa kale oo suurtogal ah in Mancheser City ay isku group noqon karaan kooxaha Real Madrid ama Atletico Madird si la mid ah Borussia Dormtund, Napoli iyo Ajax.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Anagu Waligay Ma Doonayno Inaanu Liverpool La Ciyaarno" - Unai Emery Oo Qaab Kaftan Ah Uga Sii Deyriyay Kulanka Ay Reds Booqanayaan Sabtida.

Halkan kaga bogo Qaabka ay kooxaha u soo baxay Champions League ay ugu habaysan yihiin afarta Dheri ee isku aadka lagu sameeyo:

POT 1:  Liverpool, Chelsea, Barcelona, Manchester City, Juventus, Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Zenit St Petersburg

POT 2 (provisional): Real Madrid, Atletico Madrid, FC Porto*, Tottenham Hotspur, Borussia Dortmund, Napoli, Shakhtar Donetsk, Ajax*

POT 3 (wali rasmi ma ah):  Benfica, Dynamo Kiev*, Lyon, Bayer Leverkusen, FC Salzburg, Valencia, Inter Milan, Celtic*

POT 4 (wali rasmi ma ah):  FC Copenhagen*, Dinamo Zagreb*, Lokomotiv Moscow, Genk, Galatasaray, RB Leipzig, Atalanta, Lille

Kooxaha aad ku dul aragto calaamada xidigta * waxay u baahan yihiin in ay isreeb reeb ka soo baxaan.

Muxuu Yahay Sharciga Loo eego Isku Aadka Heerka Groupyada Champions League:

SIDOO KALE AKHRISO:  "Aad Ayaan Ugu Faraxsanaa" - David Luiz Oo Tilmaamay Xiddiga Kooxdiisa Arsenal Ka Tirsan Ee Qaab Ciyaareedkiisa Ku Farxad Geliyay Kulankii Burnley.

Marka isku aadka heerka guruubyada UEFA Champions leauge la samaynayo waxaa muhiim ah in aad ogaato in kooxaha isku dheriga ahi ayna isku aadi karin oo ayna koox Pot1 ku jirtaa ayna ku aadi karin isla koox Pot1 ku jirta waxaana la mid ah dhamaan dheryaha kale.

Arinta labaad ee muhiimka ahi waa in kooxaha isku dalka ahi ayna iskugu aadi karin heerka groupyada Champiions League waxaana jira sharci UEFA ay leedahay oo kooxaha isku wadanka ah kala ilaaliya heerka groupyada Champions League iyo wareega 16ka.

Arinta saddexaad waa mid u gaar ah kooxaha reer Ukrain iyo Russia kuwaas oo lagu kala ilaaliyo in isku aadka Champions League ama xataa Europa League ay iskugu aadaan.