RASMI: Liverpool Oo 6 Ciyaartoy Kooxdeeda Si Rasmi Ah Uga Fasaxday Iyo Xogta Xidigaha Laga Diray Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah kooxdeeda uga fasaxday lix ciyaartoy kuwaas oo aan ka mid noqo doonin liiska ciyaartoyda ay Reds xili ciyaareedka cusub u diwaan gashan doonto tartamada badan ee ay ka qayb gali doonto.

Liverpool ayaa hore ugu dhawaaqday in ay kooxdeeda si xor ah kaga baxayaan Daniel Sturridge iyo Aberto Moreno oo ka mid ahaa liiska ciyaartoyda Liverpool ee bilada UEFA Champions League ku soo guulaystay.

Laakiin waxaa liiska Sturrdige iyo Moreno lagu soo daray afar ciyaartoy oo kale kuwaas oo iyagana lagu daray liiska ciyaartoyda sida xorta kooxda kaga bixi kara.

Marka laga yimaado Daniel Sturridge iyo Alberto Moreno waxa kale oo ay Liverpool kooxdeeda ka fasaxday xidiga kooxaheeda da’yarta ah ka soo qalin jabiyay ee Connor Randal kaas oo 8 kulan oo kooxda kowaad ah uu Jurgen Klopp soo safay.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Liverpool ee sida xorta ah lagu sii daayay ku jira goolhaye Adam Bogdan kaas oo lix kulan u soo ciyaaray kooxda kowaad balse aan fursad helin waqtiyadii ugu danbaysay.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Liverpool laga fasaxay lagu daray ciyaartoyda da’yarta ah ee kala ah Juanma, Conor Masterson, Glen McAuley, Corey Whelan iyo Ben Williams.

Laakiin Liverpool ayaa heshiisyo cusub u soo bandhigtay ciyaartoyda kala ah Bobby Adekanye, Daniel Atherton, George Johnston, Abdi Sharif iyo Edvard Tagseth si ay kooxdeeda baaqi ugu sii noqdaan.

Liverpool ayaa u mahad celisay dhamaan ciyaartoyda liiska aan soo sheegnay ku jirtay ee laga fasaxay Anfield.