RASMI: Liiska Xulka Qaranka Brazil Ee Copa America Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Vinicius Junior & Fabinho Oo Niyadjabay Iyo Xidig Si Waali Ah Uga Falceliyay In La Doo Doortay.

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulkiisa ee uu kala qayb gali doono tartanka Copa Del Rey ee xagaagan.

Da’yarka Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa niyadjab wayn la kulmay kadib markii uu seegay riyadiisii ahayd in uu ka ciyaaro xulka qarankiisa Brazil ee Copa America.

Tite ayaa hore u balan qaaday in uu soo xulanayo ciyaartoyda kooxahooda qaab ciyaareedka fiican xili ciyaareedkan ka soo muujiyay wuxuuna Vinicius Junior liiskan ku waayay dhaawicii horumarkiisa Madrid xumeeyay.

Tababare Tite ayaa soo doortay saddexda goolhaye ee Alisson Becker, Ederson iyo Cassio iyada oo la filayo in Alisson uu wali booska kowaad sii haysan doono.

Inkasta oo aanu Philippe Coutinho waqti fiican ku soo qaada kooxdiisa Barcelona, hadda Tite ayaa ku qancay in uu xidigani kooxdiisa Brazil caawin doono waxaana liiskan kula jira Arthur Melo oo ay Barcelona ka wada tirsan yihiin.

Fernandinho oo in qoyskiisa la dili doono looagu hanjabay kadib ceebtii koobka aduunka ayaa ka soo muuqday liiska xulkiisa Brazil inkasta oo la filayay in uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay.

Neymar Jr, Roberto Firmino iyo Gabriel Jesus ayaa hogaaminaya liiska weerarka ciyaartoyda xulka Brazil ee tartanka Copa America.

Laakiin arinta layaabka noqotay ayaa ah in Tite aanu liiska xulkiisa Brazil ku soo darsan Fabinho oo wacdaro ka soo dhigay Liverpool halka uu liikan khadka dhexe ugu jiro Paquetá oo Milan ka tirsani.

Xidiga kooxda Everton ee Richarlison ayaa lagu abaal mariyay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu xili ciyaareedkan soo sameeyay. Daawo falcelintii uu sameeyay markii uu magiciisa ka arkay TV-ga isaga oo qoyska oo dhan la daawanayay.

Liiska Xulka Qaranka Brazil Ee Uu Tite u Magacaabay Copa America

Goolhayayaasha: Alisson (Liverpool), Ederson (Man City), Cassio (Corinthians).

Difaaca: Dani Alves (PSG), Fagner (Corinthians), Alex Sandro (Juventus), Filipe Luis (Atletico), Thiago Silva (PSG), Marquinhos (PSG), Miranda (Inter), Militao (Porto).

Khadka Dhexe: Casemiro (Real Marid), Fernandinho (Man City), Arthur (Barcelona), Allan (Napoli), Coutinho (Barcelona), Paquetá (Milan), Everton (Gremio).

Weerarka: Neymar (PSG), David Neres (Ajax), Richarlison (Everton), Roberto Firmino (Liverpool) y Gabriel Jesus (Man City).

Be the first to comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.