RASMI: Liiska Xulka England Ee Isreeb-Reebka Euro 2020 Oo Lasoo Saaray, Xiddigo Man United & Tottenham Ah Oo Laga Reebay & Chamberlain Oo Soo laabtay.

Advertisements

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha xulkiisa uga qayb galaya tartanka Euro 2020 oo isreeb-reebkiisa labadii kulan ee ugu dambeeyay la ciyaarayo dhawaan.

Liiskan ayuu tababare Southgate ku sameeyay xulasho cusub iyadoo xiddigaha qaar markii ugu dambaysay ka maqnaa ay kusoo baxeen kuwo kalena gabi ahaanba laga saaray.

Advertisements

Xiddigaha liiskan laga reebay ayuu kamid yahay daafaca Man United ee Aaron Wan-Bissaka oo markii hore sababo dhaawac looga reebay balse haatan taam ah si lamid ah Kyle Walker oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka maqnaa xulka ayaa wali sii maqan.

Delle Alli oo dhawaan dhaawac kasoo laabtay booskiisa joogtada ahna ka haystay Tottenham kulamadii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale boos ka waayay liiskan si lamid ah Jack Grealish, Kabtanka Aston Villa oo filayay in markii ugu horresay looga wici doono xulka saddexda libaax.

Advertisements

Halkan Hoose Kaga Boggo Liiska Southgate Uu U Xushay Kulamada Montenegro iyo Kosovo

Advertisements