RASMI: Liiska Musharixiinta Abaal Marinta Xidiga Sanadkan 2018 Ugu Fiican Qaarada Afrika Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Xidigaha Liiskan Ku Soo Baxay.

Waxaa lagu dhawaaqay liiska ciyaartoyda u tartami doona abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican ee ay sanad kasta bixiso BBC iyada oo cod lagu go’aamin doono xidiga hanan doona abaal marintan. BBC ayaa soo hadda soo saartay liiska musharixiinta abaal marinta BBC African Footballer of the Year award ee sanadkan 2018.

Mohamed Salah oo ah xidiga difaacanaya abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiicnaa sanadkii 2017 ayaa markale ku soo baxay liiska musharixiinta abaal marinta xiidga sanadka BBC ee qaarada Afrika ugu fiican wuxuuna Salah markale u muuqdaa mid abaal marintan difaacan kara.

Mohamed Salah oo kooxdiisa Liverpool u soo dhaliyay 44 gool oo tartamada oo dhan ah ayaa rajaynaya in uu difaacdo abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican ee ay BBC-du hadda shaacisay liiska musharixiinta ku tartami doona.

Difaaca xulka qaranka Morocco iyo kooxda Juventus ee Medhi Benatia ayaa liiskan ku soo baxay isaga oo waliba noqday xidigi ugu horeeyay ee magiciisa loogu dhawaaqay BBC isaga oo u tartami doona abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican 2018.

Waxaa sidoo kale liiska musharixiinta abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican ee BBC African Footballer of the Year ku soo baxay difaaca kooxda Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee  Kalidou Koulibaly kaas oo hadda loo arko in uu ka mid yahay difaacyada kubbada cagta ugu fiican.

Kalidou Koulibaly ayaa door muhiim ah ka soo ciyaaray horumarka kooxdiisa Napoli wuxuuna soo jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Yurub oo ay ka mid yihiin kooxaha Premier league iyo La liga halka uu shaqo badan ka soo qabtay xulka qarankiisa Senegal wuxuuna ka mid yahay tartamayaasha abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika guu fiican.

Kabtanka xulka qaranka Senegal ee Sadio Mane kaas oo soo wada ciyaaray dhamaan kulamadii xulkiisa ee koobka aduunka ayaa ka soo muuqday liiska musharixiinta abaal marinta xidiga sanadka ee Afrika ugu fiican wuuxuna markale la tartami doonaa saaxiibkiisa Liverpool ee Mohamed Salah oo sanadkii hore abaal marintan ka hor qaaday.

Sadio Mane ayaa bandhig cajiib ah ku soo samaynayay Liverpool tan iyo markii uu Anfield soo gaadhay wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda ugu muhiimsan ee uu Jurgen Klopp ku tiirsan yahay, wuxuuna markale u tartami doonaa abaal marinta BBC World News ee xidiga qaarada Afrika ugu fiican sanadkan 2018.

Halyaygii hore ee DR Congo ee Gabriel Zakuani oo BBC kala hadlay fursada uu Sadio Mane sanadkan haysto ayaa yidhi: “Waa fursadiisii ugu fiicnayd. Sanadkii hore Salah ayaa cajiib ahaa, laakiin sanadkan Mane wuu ordayay isaga oo cajiib u ahaa kooxdiisa iyo wadankiisa”.

Liiska shanta musharax ee abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican waxaa dhamaystiray Thomas Partey oo ka tirsan xulka qaranka Ghana iyo kooxda Atletico Madrid, wuxuuna muujiyay awoodiisa ciyaareed ee uu liiskan kaga mid noqday.

Codbixinta lagu soo dooranayo xidiga u qalma abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican ayaa isla haddaba ka furmaya BBC World News oo sanad kasta abaal marintan bixisa waxaana loo kala codaynayaa shanta musharax ee lagu dhawaaqay ee aad halkan hoose liiskooda kaga bogan karto.

Liiska Musharixiinta Xidigaha U Tartamaya Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Qaarada Afrika Ugu Fiican:

1-Medhi Benatia (Morocco & Juventus)

2-Mohamed Salah (Egypt & Liverpool)

3- Kalidou Koulibaly (Senegal & Napoli)

4-Sadio Mane (Senegal & Liverpool)

5-Thomas Partey (Ghana & Atletico Madrid)

Haddaba akhriste, xidigee ayaad u dooran lahayd in uu u qalmo abaal marinta xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican?

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Salah of Mane waxa tartamaya ayaaba labadaas ah sababtoo ah inta kale waa difaac inta badan weerarka ayaa la arkaa wax qabadkiisa lakin difaac dad yar mooyaane dadka kale ma dareemaan.
    Waxay aniga ila tahay inuu Saalax difaacan doono.

Comments are closed.