RASMI: Liiska Kooxdii Ugu Fiicnayd Europa League Oo Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay, Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Yeelatay?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdii ugu fiicnayd tartankaii UEFA Europe League ee xilli ciyaareedkan 2018-19.

Kaddib xilli ciyaareed tartankaas lagu soo daawaday goolal cajiib ah, Kubad qurxoon iyo madadaalo badan waxa ugu dambayn kulanka ugu dambeeya si fool ka fool ah iskugu soo baxay kooxaha ree England ee Arsenal iyo Chelsea.

Labada kooxood ayaa kulanka soo wada galay iyagoo raadinaya koobkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan isla markaana ay Arsenal intaasi u dheerayd inuu ku xidhnaa booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Kaddib kulan ay qaybtiisii hore si gaar ah u xooganayd oo labada kooxood dhex maray waxa ugu dambayn koobka natiijo 4-1 ah ku hanatay kooxda Chelsea.

Iyadoo Chelsea ay noqotay kooxda ku guuleysatay koobka ayay sidoo kale noqotay kooxda awooda ku qabsatay liiska xiddigaha loo xushay kuwii ugu fiicnaa tartanka.

Blues ayaa siddeed ciyaartoy ku yeeshay 18-ka xiddig ee lasoo xushay halka kooxdii ay Final-ka isku arkeen ee Arsenal ay ku yeelatay saddex ciyaartoy oo kala ah Sead Kolasinac, Laurent Koscielny iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Dhinaca kale kooxda ay Chelsea sida dirqiga ah kaga soo baxday ee Eintracht Frankfurt ayaa kaalinta labaad ka gashay marka ay noqoto xiddigaha ugu badan ee safkan lagu yeeshay waxaana ugu soo baxay shan ciyaartoy.

Waxaa liiska soo dhammaystiray labada xiddig ee kooxda Benfica ee Alex Grimaldo iyo Joao Felix kuwaas oo lasoo xushay walow kooxdoodu ay wareegii siddeed dhammaadka ku hadhay.

Liiska 18-ka Ciyaartoy Ee UEFA Usoo Xushay Kuwii Ugu Fiicnaa Europe League 2018-19