RASMI: Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Argentina Ee Copa America Oo La Shaaciyay, Miyaa Lionel Messi Lagu Soo Daray Kaddib Qalbi Jabkii Koobka Aduunka?

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska hordhaca ah ee xiddigaha xulkiisa uga qayb galaya tartanka Copa America ee la qaban doono gudaha sanadkan 2019.

Scaloni ayaa soo xushay liis hordhac ah oo ka kooban 32 ciyaartoy balse dhammaadka bisha May oo ah wakhtiga kama dambaysta ah lagu soo koobi doono 23 ciyaartoy oo la kala shaandheeyay.

Liiskan ayaa ah mid uu kasoo muuqday hoggaamiyaha xulka ee Lionel Messi kaas oo ay kulamada uu matalay yaraayeen tan iyo markii ay sida qalbi jabka leh uga soo hadheen tartankii Koobka Aduunka ee ka qabsoomay dalka Ruushka.

Weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskan kaddib markii uu iska dhex waayay xulashooyinkii hore ee kulamadii saaxiibtinimo ee tababare Scaloni.

Liiska Hordhaca Ah Ee Xulka Argentina U Matalaya Copa America 2019

GOOLHAYAYASHA 

Franco Armani (River), Esteban Andrada (Boca), Agustín Marchesín (América, México), Juan Musso (Udinese, Italy) y Gerónimo Rulli (Real Sociedad, Spain).

DAAFACYADA

Renzo Saravia (Racing), Gabriel Mercado (Sevilla, Spain), Nicolás Otamendi (Manchester City, England), Germán Pezzella (Fiorentina, Italy), Walter Kanemann (Gremio, Brazil), Nicolás Tagliafico (Ajax, Holland), Marcos Acuña (Sporting Lisboa, Portugal), Ramiro Funes Mori (Villarreal, Spain, Juan Foyth (Tottenham, England).

KHADKA DHEXE

Leandro Paredes (PSG, France), Giovani Lo Celso (Betis, Spain), Exequiel Palacios (River), Guido Rodríguez (América, México), Roberto Pereyra (Watford, England), Rodrigo De Paul (Udinese, Italy), Matías Zaracho (Racing), Ángel Di María (PSG, France), Gonzalo Martínez (Atlanta United, USA), Paulo Dybala (Juventus, Italy), Maximiliano Meza (Monterrey, México), Iván Marcone (Boca).

WEERARKA

Lionel Messi (Barcelona, Spain), Sergio Agüero (Manchester City, England), Lautaro Martínez (Inter, Italy), Ángel Correa (Atlético, Spain), Matías Suárez (River), Mauro Icardi (Inter, Italy).