RASMI: Liiska 23-ka Ciyaartoy Ee Xulka Qaranka Argentina U Matali Doona Tartanka Copa America Oo lagu Dhawaaqay Iyo Xidig Qalbi Jab Kale La Kulmay.

Liiska xulka qaranka Argentina ee tartanka Copa America ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay iyada oo la soo yareeyay liiskii hordhaca ahaa ee la sii shaaciyay.

Paulo Dybala iyo Sergio Aguero ayaa ku soo baxay liiska kama danbaysta ah ee xulka qaranka Argentina ku matali doona Copa America laakiin waxaa niyadjab kale la kulmay Mouro Icardi kaas oo markale seegay in uu xulkiisa Argentina tartan ku matalo.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxay Mauro Icardi  ku ahaayeen waqti aad u adag kadib khilaafkii kooxdiisa Inter Milan soo kala dhex galay iyo kabtanimadii laga xayuubiyay balse haddana waxaa u raacay in liiska xulkiisa laga reebay.

Lionel Messi ayaa ku soo baxay liiska kama danbaysta ah ee xulka qarankiisa Argentina ee Copa America isaga oo sii wadi doona in uu kabtanka xulkiisa ahaado.

Lionel Messi oo kulamadii saaxiibtinimo ee ugu danbeeyay ku soo laabtay waajibaadkiisa xulkiisa kadib markii uu fasax ka qaatay wixii ka danbeeyay koobkii aduunka ee Russia, ayaa markan isku dayi doona in ay Copa America ku guulaystaan.

Gool dhaliyaha 31 sano jirka ah ee Matias Suarez ayaa noqday mid si lama filaan ah ugu soo baxay liiska xulka qaranka Argentina.

Waxa kale oo layaab noqotay in liiskan lagu soo daray difaaca Milton Casco kaas oo laga doortay Gabriel Mercado.

Liiska Xulka Qaranka Argentina Ee Loo Magacaabay Copa America:

Franco Armani (River Plate), Agustin Marchesin (Club America), Esteban Andrada (Boca Juniors); Juan Foyth (Tottenham), Nicolas Tagliafico (Ajax), Renzo Saravia (Racing Club), German Pezzella (Fiorentina), Ramiro Funes Mori (Villarreal), Milton Casco (River Plate), Nicolas Otamendi (Manchester City);

Roberto Pereyra (Watford), Leandro Paredes (Paris Saint-Germain), Marcos Acuna (Sporting CP), Angel Di Maria (Paris Saint-Germain), Guido Rodriguez (Club America), Rodrigo De Paul (Udinese), Exequiel Palacio (River Plate), Giovani Lo Celso (Real Betis); Sergio Aguero (Manchester City), Lionel Messi (Barcelona), Matias Suarez (River Plate), Paulo Dybala (Juventus), Lautaro Martinez (Inter).