RASMI: Liiska 18-ka Xiddig Ee U Tartamaya Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Koobka Aduunka Oo Lasoo Saaray Xilli Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi Ay Kusoo Baxay.

Waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay liiska 18-ka xiddig ee sida rasmiga ah ugu tartami doona abaalmarinta goolkii ugu quruxda badnaa tartanka koobka aduunka ee dhawaan lagu soo afmeeray dalka Ruushka, Cristiano Ronaldo & Lionel Messi oo tobankii sano ee u dambeeyay usoo talinayay kubadda cagta ayaa liiskan kusoo baxay.

Kaddib mudo bil ah oo tartanku socday isla markaana ay indhaha caalamku ku jeedeen Ruushka ayaa maalintii axadii lagu kala calaf qaaday halkaas, Xulalka ree Yurub ee France iyo Croatia ayaa iskugu soo hadhay kulanka kama dambaysta ah waxaana 4-2 guul ku gaadhay xulka France oo iyagu tartanka hantay markii labaad taariikhdooda.

Haddaba liiska 18-ka xiddig ee u tartamaya goolkii ugu wacnaa tartanka ayaa lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee koobka aduunka ee loo yaqaan Copa Mundial FIFA, Liiska ayayna ka dhex muuqdaan magacyo waawayn iyadoo ay xiddigahan ay kala saari doonaan jamaahiirta kubadda cagta ee isticmaala baraha bulshada.

Halkan Kaga Bogo Liiska 18-ka Xiddig Ee U Tartami Doona Goolka Ugu Quruxda Badan Koobka Aduunka:

Messi (vs Nigeria), Coutinho (Switzerland), Nacho (vs Portugal), C Ronaldo (vs España), Modric (vs Argentina), Kroos (vs Sweden), Quintero (vs Japan), Chadli (vs Japan), Cherychev (vs Saudi Arabia and Croatia), Di María (vs France), Pavard (vs Argentina), Dzyuba (vs Egypt), Januzaj (vs England), Lingard (vs Panama), Mertens (vs Panama), Musa (vs Iceland), iyo Quaresma (vs Iran)