RASMI: Kulankii Manchester Derby Ee U Dhaxeeyay United Iyo City Oo Dib Loo Dhigay & Sababta Ka Dambaysa In Xilligiisii Laga Baajiyo.

Kulanka labaad ee xilli ciyaareedkan ee Manchester Derby-ga ahaa ee u dhaxayn lahaa kooxaha Man United iyo Man City ayaa si rasmi ah dib loogu dhigay iyadoo la ciyaari doono toddobaad kaddib wakhtigii markii hore loo mudeeyay.

Sababta kulankan loogu dib dhigay ayaa ah in kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ay iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee FA Cup-ka iyadoo sidoo kale ay wareegaaas gaadhi karto United haddiiba ay caawa garaacaan Chelsea oo ay Stamford Bridge ku booqanayaan.

City ayaa wareega 8-da ee FA Cup gaadhay kaddib markii ay kasoo adkaadeen kooxda Newport County waxaana kulankaas la ciyaari doonaa toddobaadkii markii hore loo qorsheeyay inay Old Trafford ku booqdaan Red Devils.

Kulamada toddobaadkaas ee horyaalka iyo FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa 15-ka ilaa 17-ka March iyadoo aysan jiri doonin wax kulamo ah oo Isniinta la ciyaarayo maadaama oo toddobaadka xiga la ciyaari doono fasaxa ugu horreeya ee qaramada ee sanadkan 2019.

Walow aan la shaacin wakhtiga rasmiga ah ee la ciyaari doono kulanka dib loo dhigay haddana waxa la filayaa inuu noqon doono badhtamaha toddobaad maadaama oo muuq-baahiyayasha kulanku ay doonayaan inay helaan wakhti ku haboon.

Way adkaan doontaa in la helo habeen firaaqo loo heli karo kulankan sababtoo ah in labadan kooxoodba ay ku jiraan Champions League.

City ayaa tartankeeda kulamada isreeb-reebka caawa booqan doonta Schalke 04 halka Man United ay haatanba guuldarro 2-0 ah kala sii kulantay PSG isla markaana ay kulanka dambe Paris aadi doonto iyadoo guul weyn u baahan.