RASMI: Kulanka Barcelona Iyo Inter Milan Oo Rekoodh Dhinaca Dakhliga Ah U Dhigay Taariikhda Kubbada Cagta Italy Ee Champions League.

Kooxaha Barcelon iyo Inter Milan ayaa caawa iskaga hor iman doona kulanka afraad ee heerka Groupyada UEFA Champions League waana kulan muhiimad wayn u leh labada kooxoodba si ay ugu soo bixi karaan wareega 16ka kooxood ee Champions League.

Laakiin kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in lacagtii abid ugu badnayd oo rekoodh ah ay ka heshay kulanka caawa ee ay Barcelona soo dhawanayso iyada oo loo diwaan galiyay rekoodh taariikhi ah oo ugu dhigtay kooxaha kubbada cagta Italy ee kulamada tartamada kooxaha Yurub.

Qoraal rasmi ah oo ay kooxda Inter Milan soo dhigtay barteeda twitterka ayaa lagu cadeeyay in kulanka caawa ee Barcelona ay tikidhadii la iibiyay ka soo baxday lacag ka badan 5.8 milyan euros waana lacagtii abid ugu badnayd ee ay koox Talyaani ahi ka heshay kulan tartamada kooxaha yurub ah.

Jamaahiirta kooxda Inter Milan iyo guud ahaan kuwa Tayaaniga ayaa soo buux dhaafi doona garoonka Stadio Giuseppe Meazza kaas oo ay Barcelona iyo Inter Milan caawa si buuxda ugu kala calaf qaadi doonaan.

Barcelona ayaa doonaysa in ay kulankii afraad oo xidhiidh ah ee Champions league soo guulaysato si ay kaalinta kowaad ugaga soo baxdo Groupkan balse sidoo kale Inter Milan ayaa doonaysa in ay guul gaadho si ay wareega 16ka kooxood caawa ugu soo bixi karto.

laakiin Barcelona iyo Inter Milan ayaa wareega 16ka caawa si wada jir ah ugu soo bixi kara haddii ay barbaro galaan isla markaana ay Tottenham iyo PSV barbaro galaan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Inter Milan ayaa guul iyo guuldaraba waxay haddaba ku sii faraxsan tahay in ay lacag rekoodh taariikh ah ka heshay kulanka caawa ee Barcelona iyada oo jeebka ku shubatay lacag ka badan 5.8 milyan euros.