RASMI: Kooxda Juventus Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Heshiiska Cristaino Ronaldo Iyo Italy Oo Uu U Noqday Heshiiskii Qaraniga.

Kadib markii ay kooxda Real Madrid war saxaafadeed ku sii xaqiijisay in xidigii kooxdeeda ee Cristaino Ronaldo uu heshiis la gaadhay Juventus, maamulka kooxda Juventus ayaa markooda si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dhamaystireen heshiiska xidiga ree Portugal. Juventus ayaa sidoo kale faah faahin buuxda ka bixisay qiimaha lacageed ee ay 33 sano jirkan ree Portugal ka soo bixisay.

Kooxda Juventus ayaa shaaca ka qaaday in 100 milyan euros ay kula soo wareegtay Cristiano Ronaldo isla markaana ay muddo laba sano ah ku kala bixin doonto lacagtan waxayna sidoo kale Juvnetus xaqiijisay in ay jirto lacag kale oo 12 milyan euros ah oo dheeraad ka ah qiimaha Ronaldo taas oo kharashaad kale ah.

War saxaafadeedka ay kooxda Juventus sida rasmiga ah ugu shaacisay heshiiska dalka Talyaaniga looga aqoonsaday heshiiskii qaraniga ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu yidhi: ” Kooxda kubbada cagta Juventus waxay ku dhawaaqaysaa  in ay kooxda kubbada cagta Real Madrid heshiis kala gaadhay  ciyaartoyga  Dos Santos Aveiro Cristiano kaas oo ay kala gaadhay heshiis 100 milyan eruos ah oo lagu kala bixin doono laba sanadood”.

Waxaana qoraalka Juvuventus lagu xaqiijiyay in ay jirto lacag kale oo 12 milyan euros ah oo kharashaadka heshiiskan ah isla markaana ay qayb ka tahay sharciyada FIFA. Dhinaca kale Juventus ayaa shaacisay in Ronaldo uu kooxdeeda u saxiixay qandaraas 4 sano ah kaas oo dhacaya June 30,2022.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidigii taariikhda kubbada cagta Talyaaniga ugu qaalisanaa waxayna haddaba saxaafada dalka Talyaanigu heshiiskan ku calaamadiyeen heshiiskii qaraniga isaga oo xidiga ree Portugal bilaaban doona waayihiisa cusub ee horyaalka Serie A.

Cristiano Ronaldo oo hore taariikh uga so sameeyay horyaalada Premier league iyo La Liga ayaa hadda isku diyaarin doona in uu magiciisa markale ku qoro Serie A isaga oo 33 sano jir ah inkasta oo maamulka Madrid ay faa’iido wayn ka heleen xidig sagaal sano kooxdooda wax walba u soo qabtay isla markaana ay ku iibiyeen lacag ka badan intii uu ugu soo biiray.