RASMI: Kooxda Guardiola Ee Man City Oo Haddaba Sii Dhamaystirtay Heshiiska Gool Dhaliye Bisha January Ku Soo Biiraya.

Manchester City ayaa heshiis ka gaartay saxiixa weeraryahanka Slobodan Tedic iyagoo kala soo wareegaya kooxda reer Serbia ee FK Cukaricki bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Waxaa la fahamsan yahay in Man City ay ku iibsatay 19 jirkaan 2.7 milyan ginni waxaana uu durbaba dhaliyay afar gool sagaal kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Sida uu sheegay agaasimaha kooxda Cukaricki oo lagu magacaabo Nenad Mirosavljevic, City ayaa muddo dheer isha la raaceysay xiddigaan.

Waxa uu u sheegay warbaahinta reer Serbia ee Blic: “Waxa uu muddo dheer diirada u saarnaa City, iyadoo saraakiil ka socota ay u imaan jireen inay daawadaan.

“Waxaa jirta xitaa ciyaar ay joogeen oo aanan ka warqabin joogitaankooda.

“Waxay daawadeen kulamadiisa oo dhan, dhaqdhaqaaqiisa oo dhan taasoo ah wax caadiyan ay sameeyaan kooxaha waa weyn.

“Markii ay si rasmi ah dalab uga soo gudbiyeen wax sahlan ayay aheyd, durbadiina waan aqbalnay.

“Waxay tani xaqiijin u tahay shaqada fiican aan qabaneyno, laakiin waxay sidoo kale suuq geyn u tahay kooxda Cukaricki iyo kubada cagta Serbia”

Waxaa la rumeysan yahay in Tedic uu ku biiri doono kooxda Man City ee da’dooda ka hooseyo 23 jirada.

Tedic ayaa kulankiisa ugu horeeya u ciyaari doona isbuucaan xulka Serbia ee da’dooda ka hooseyso 21 jirada marka ay ka horyimaadaan Russia iyo Latvia.