RASMI: Koox Kasta Oo Horyaalka La Liga Ah Iyo Mushaarka Ay Koox Ahaan U Bixiso, Kala Saraynta Dhaqaale Ee Waalida Ah Iyo Xogta Oo Dhamaystiran.

Dhamaan kooxaha horyaalka La Liga lacagta kaga baxda kharashka mushaarka kooxahooda ayaa la shaaciyay iyada oo ay jirto kala sarayn dhaqaale oo waali ahi. Kooxda koobka La Liga difaacanaysa ee Barcelona ayaa noqotay kooxda mushaarka ugu badan ee horyaalka La Liga bixisay halka kooxda Real Valladolid ay noqotay kooxda mushaarka ugu hooseeya bixisay.

Barcelona oo ah kooxda mushaarka ugu badan bixinaysa xili ciyaareedkan cusub ee horyaalka La Liga ayaa xisaabta kooxdeeda laga saari doonaa 632.971 milyan euros oo mushaarka ciyaartoyda, shaqaalaha iyo gunooyinka iskugu jirta.

Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta ayaa xili ciyaareedkan mushaar ahaan u bixin doonta 566.530 milyan euros iyada oo lacagtan lagu kharash garayn doono mushaarka ciyaartoyda, shaqaalaha iyo waliba gunooyinka ciyaartoyda.

Atletico Madrid oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa mushaar ahaan u bixin doonta 293 milyan euros waana lacag aad uga hoosaysa kooxaha ay la xifiltamayso ee Barcelona iyo Real Madrid laakiin ma rumaysan kartid in kooxda Real Valladolid uu mushaarka guud ee kooxdeedu yahay 23.8 milyan euros oo kaliya.

Haddii aad isbarbar dhig ku samayso mushaarka kooxda Barcelona xili ciyaareedkan bixinayso maadaama oo ay kaalinta kowaad ku jirto iyo kooxda ugu hoosaysa ee Real Valladolid waxaad arki kartaa kala saraynta dhaqaale ee sida waalida ah ugu dhexaysa.

Haddaba Akhriste halkan kaga bogo dhamaan mushaarka ay koox kasta oo horyaalka La Liga ahi ay xili ciyaareedkan bixinayso oo dhamaystiran:

  1. Barcelona 632.971
  2. Real Madrid 566.530
  3. Atlético 293
  4. Valencia 164.684
  5. Sevilla 162.783
  6. Villarreal 109.126
  7. Betis 97.112
  8. Athletic 87.869
  9. Real Sociedad 80.808
  10. Espanyol 56.774
  11. Leganés 52.864
  12. Levante 52.369
  13. Celta 50.970
  14. Eibar 41.258
  15. Getafe 39.245
  16. Alavés 39.193
  17. Girona 36.755
  18. Rayo Vallecano 33.077
  19. Huesca 29.328
  20. Valladolid 23.882