Rasmi: Kabtankii England & Chelsea John Terry Oo Loo Magacaabay Macalin Ku Xigeenka Kooxdii Uu Kaga Fariistay Ciyaaraha.

Halyeygii hore ee Xulka Qaranka England iyo kooxda Chelsea John Terry ayaa isbuucan gudahiisa ku dhawaaqay inuu ka fariisantay  ciyaaraha maadaama la taagan yahay waqtigii ku haboonaa uu siibi lahaa kabaha kubada cagta .

Kabtankii hore ee qaranka Sadaxda Libaax ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixiyay kooxda Chelsea  oo uu waqti badan kabtan ka ahaa ayaa daaha ka qaaday in uu go’aaan ku gaaray ka fariisashada kubada cagata waxana uu sabataasi ku sheegaya da’diisa oo hadda caga cageeyneeysa 37 sano.

Kaliya waxaa la filaayay in uu ka soo muuqdo saaxada hogaaminta madama uu xidig ahaan guuleeystay hadana waxaa la fahmi karay in la mid noqon karo halyeeyada qaranka Eglan Sida Frank Lampard iyo Steven Gerrard kuwaas oo  xiligan macalimiin kooxdeed ah , walow ay isaga hortiis ka fariisteen kubada cagta.

Kooxda kubadda cagta Aston Villa  ayaa markan xili u magacaabtay John Terry waxana uu hada heystaa jagada caawiyaha ama macalinka labaad ee kooxda isagoo ka hoos shaqeyn doona Dean Smith oo isna loo magacaabay kooxda in uu hogaamiyo .

Aston Villa ayaa sidoo kale magacaabay Agaasime cusub oo dhanka ciyaaraha ah madama ay ka dhigeen  Jesus Garcia Pitarch.

Madaxa Aston Villa Christian Purslow ayaa yiri: “dhamaan is badalada waxay matalayaan bilowga xilli-cusub iyo jihada ay u dhaqaqeyso Aston Villa ,waxaana ku faraxsanahay inaan sugno howlahooda ka dib baadhitooyin  ballaadhan oo ina soo gaaray.

John Terry ayaa intii uu ciyaariyahanka ahaa kula guuleeystay Chelsea Shan jeer oo Horyaalka ah Premier League titles, Shan FA Cups, Iyo min hal jeer oo uu qaaday tartamada yurub ee  Champions League Iyo  Europa League Waxaana lagu tilmaami karaa Kan Ugu Sameynta Badnaa Ee Kooxda Ku Ciyaarta Stamford Bridge Soo maray Balse Iminka ayaa la sugi doonaa loolankiisa xiga ee dhanka tababarka.