Rasmi: Kabtankii England & Chelsea John Terry Oo Ka Fariisatay Ciyaaraha, Maxaase Lagu Xasuustaa Dagaal yahankii Weynaa Ee Xeradda Ganaaxa Kooxda Chelsea?

Halyeygii hore ee Xulka Qaranka England iyo kooxda Chelsea John Terry  ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo ciyaaraha maadaama laga taagana yahay waqtigii ku haboonaa uu siiibi lahaa kabaha kubada cagta .

Kabtankii hore ee qaranka Sadaxda Libaax ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixiyay qaabeynta iyo abaabulida daafaca kooxda Chelsea  oo uu waqti badan kabtan ka ahaa ayaa iminka daaha ka qaaday in uu go’aaan ku gaaray ka fariisashada kubada cagata waxana uu sabataasi ku sheegaya da’diisa oo hadda caga cageyneysa 37 sano.

Image result for john terry tackal henry

Waxa la fahan san yahay in uu doonayo noqoshada kaaliyaha Thierry Henry ee kooxda uu u ciyaarayay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo xiddigii hore ee Arsenal Henry Uu Qarka Usaaranyahy in loo magacaabi doono todobaadkan Xilka kooxda Aston Villa.

Terry ayaa ku qoray bogga Instagram: “Kadib 23 sano ahaana  sanado qurux badan oo an u shaqeynayaya si ciyariyahan  ahaan ah , waxaan go’aansaday oo an daremay in la joogo waqtigii ugu saxnaa ee an ka bixi lahaa kubadda cagta , waxaana jira dad badan oo iga mudan in aan u mahad celinayo ‘’. ayuu yiri John Terry

“Xaaskeyga Toni iyo labo caruurtayda ah, Georgie iyo Summer, Waxa ay ahaayeen furayaasheyda – Anigu waxba ma qaban Karin la’aanteedooda , waan jeclaahy wax waxba ee qalbigeyga ku jira .

Waxa Uu Sidoo Kale Umahad Celiyay Walidiintiisa maadama ay u garab istageen Si wanagsan si uu unoqdo Xirfadle kubada cagta ah waxa uuna hadalkiisa kusii daray

“Waxaan u mahadcelinayaa waalidiintayda, Sue iyo Ted, wixii ay iigu sameyeen waalid ahaan , waxa ay isiiyeen  fursada ugu fiican ee aan ku rumeyn karay riyadeyda si aan noqdo ciyaaryahan xirfadle ah.

 

Terry, ayaa ka soo muqday safka xulka qaranka England 78 jeer, xili sidoo kale  Chelsea u saftay 492 kadibna uu ka tagay  2017 xili  19 xili ciyaareed uu joogay kooxda reer  London.

John Terry ayaa kula guuleeystay  Chelsea Shan jeer oo Horyaalka ah Premier League titles, Shan FA Cups, Iyo min hal jeer oo uu qaaday tartamada yurub ee  Champions League Iyo  Europa League Waxaana lagu tilmaami karaa Kan Ugu Sameynta Badnaa Ee Kooxda Ku Ciyaarta Stamford Bridge Soo maray .Related image