RASMI: Juventus Oo Gudbisay Liiska Ciyaartoygeeda U Safan Doona Kulamada Champions League Kaddib Suuqii January

Advertisements

Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus, Sarri ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyga kooxdiisa ee uga qayb geli doona ciyaaraha Champions League qaybtiisa dambe, kaddib markii uu soo dhamaaday suuqa iibka ciyaartoyga bisha January.

Advertisements

Kooxo badan ayaa isbeddel ku dhacay liiska ciyaartoygooda, waxaana sida sharcigu dhigayo ay UEFA u gudbinayaan liiska ciyaartoygooda maadaama ay suurtogal tahay in isbeddel ku dhaco kooxaha qaarkood.

Liiska ciyaartoyga Juventus oo ka kooban 22 laacib ayaa waxa ku jira halyeyga difaaca ee Giroginio Chiellini oo muddo dheer ku maqnaa dhaawac, kaas oo inkasta oo aanu kusoo laabanin garoomada haddana la filayo in qaybta dambe ee horyaalka Yurub uu safto haddii kooxdiisu soo gudubto.

Chiellini oo ay da’diisu tahay 35 jir, waxa bishii September lagu sameeyey qalliin jilibka ah, waxaana suurtogal ah inuu taam noqdo ka hor 26 February oo ay Juventus la ciyaari doonto kooxda reer France ee Lyon.

Liiska ciyaartoyga Juventus oo dhamaystiran:

Gianluigi Buffon, Carlo Pinsoglio, Wojciech Szczesny; Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Danilo, Matthijs de Ligt, Mattia De Sciglio, Daniele Rugani, Alex Sandro; Rodrigo Bentancur, Juan Cuadrado, Sami Khedira, Blaise Matuidi, Miralem Pjanic, Adrien Rabiot, Aaron Ramsey; Federico Bernardeschi, Douglas Costa, Paulo Dybala, Gonzalo Higuain, Cristiano Ronaldo

Advertisements