RASMI: Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Waqtiga Ay Soo Laabanayaan Mohamed Salah, Roberto Firmino & Alisson Becker Miyay Diyaar U Noqon Karaan Kulamada Man City, Norwich & Chelsea?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay waqtiga ay xarunta tababarka kooxdiisa ku soo laaban doonaan saddexda xidig ee muhiimada wayn u soo lahaa Reds ee Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Alisson Becker .

Liverpool ayaa fasax dheeraad ah siisay ciyaartoyda kala ah Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Alisson Becker halka Sadio Mane aanu wali helin wax fasax ah maadaama oo uu xulkiisa Senegal ku matali doono finalka koobka qaramada Afrika.

Jamaahiirta Liverpool ayaa ka war sugayay in ay xog ka helaan waqtiga ay kooxdooda ku soo laabanayaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Alisson Becker  balse hadda waxa uu Klopp u cadeeyay waqtiga ay filan karaan xidigahan oo tababarka ku soo laabanaya.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Akhriso Liiska Heshiisyadii La Dhamaystiray Maalinta Suuqa England Ugu Danbaysay Iyo Xidigaha Lala Kala Wareegay.

Dhamaan saddexda xidig ee Salah, Firmino iyo Alisson ayaa seegaya kulamada saaxiibtinimo ee ay kooxdooda Liverpool ku ciyaarayso dalka Maraykanka laakiin waxa uu Klopp cadeeyay in marka ay soo gaadhaan dalka France ay soo laaban doonaan Salah, Firmino iyo Alisson.

Waxa uu Klopp xaqiijiyay in ay markaas heli doonaan 12 maalmood oo ay awooda saari doonaan ka hor inta ayna Manchester City la ciyaarin kulanka finalka Community Shield wuxuuna sidoo kale ka fikirayaa kulanka furitaanka Premier league ee Norwich City iyo finalka UEFA Super Cupe ee Chelsea.

Liverpool ayaa marka ay ka soo laabto dalka Maraykanka waxay ka degi doonaan Evian oo ku taala koonfur barri ee dalka France halkaas oo ay Salah, Firmino iyo Alisson ay ciyaartoyda kooxdooda Reds kula midoobi doonaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xidig Muhiim Ah Oo Liverpool Ka Tirsan Oo Xili Hore Ka Baxay Tababarkii Ka Horeeyay Finalka UEFA Super Cup Iyo Walwalka Ku Xeeran.

Klopp oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Mohamed iyo xidigaha reer Brazil waxay iman doonaan Evian.Waxay la micno tahay in aanu haysan doono ugu dhawaan todobaad ilaa kulanka City (Community Sheild, waa 12 maalmood oo xoogan ilaa Norwich kadib 15 ama 16 maalmood ilaa Chelsea (UEFA Super Cup”.

“Waxaa waajib nagu ah in aanu aragno, waxa fiicani waxa uu yahay  in marka aad fasax yar haysato in aanad wax badan luminayn. Waxay u baahan yihiin saddex todobaad, sidaa daraadeed waxaanu u sheegnay in ay (qaataan fasaxa), laakiin haddaba markale ayay tababaranayaan”.

“Anigu waxaan door bidi lahaa haddii ay iyagu soo laabtaan hal todobaad kadib, laakiin xaqiiqdii micno ma samaynayso, sidaa daraadeed, saddex todobaad ayay haystaan kadib iyaga ayaanu xili ciyaareedka ka hor heli doonaa” ayuu Klopp hadalkiisa raaciyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Haddii La Ii Soo Doorto Ballon d'Or Waa Sharaf, Haddii Kale Dhamaadkii Aduunyada Ma Aha-Van Dijk Oo Warkiisa Cadeeyay.

Jurgen Klopp oo xaalada Sadio Mane ka hadlaya ayaa yidhi: ” Sadio waxaa waajib nagu ah in aanu sugno kadib finalka, sida uu dareemayo iyo waxa sidaas ah. Xaqiiqdii wax adag ayay noqon doontaa”.

Klopp oo ka hadlaya sida ay Sadio Mane ugu adkaan doonto in uu diyaar u noqon karo kulanka finalka Community Sheild ee Man City ayaa yidhi: “Waxa uu xili ciyaareedkiisu dhamaanayaa 16 maalmood ka hor ka aanu City la ciyaari doono, waxaa waajib nagu ah in aanu go’aan gaadho, laakiin wali maanu go’aansan”.