RASMI: Jurgen Klopp Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Liverpool Ee Finalka Champions League Iyo Reds Oo Spain U Duushay.

Jurgen Klopp iyo safarka Spain
Jurgen Klopp iyo safarka Spain

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee finalka Champions League ka qayb gali doonta ayuu Jurgen Klopp ku dhawaaqay xili ay Reds u duushay dalka Spain oo ay kulanka Tottenham ugu diyaar garoobi doonaan.

Liverpool ayaa daabacday liiska 26 ciyaartoy oo u safray dalka Spain halkaas oo ay ku qaadan doonaan lixda maalmood ee soo socota si ay ugu diyaar garoobaan finalka UEFA Champions league.

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Liverpool ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha John Lennon Airport waxayna ka digi doonaan xeebta Andalusia si ay cimilada diiran ee Spain tababarka ugu qaataan.

Naby Keita ayaa ka soo muuqday liiska ciyaartoyda Liverpool ee Spain u safray laakiin Roberto Firmino waxaa ka soo kabsashada dhaawicii uu qabay ka caawinaya David Rydings si uu diyaar buuxa ugu noqon karo finalka Champions League ee Tottenham.

Roberto Firmino ayaa Marbella ku soo dhawayn doona Jurgen Klopp iyo ciyaartoyda kooxdiisa Liverpool halkaas oo ay kadib si wada jir ah uga sii wadan doonaan diyaar garowga finalka Champions league.

Liverpool ayaa ka degi doonta magaalada  Marbella ee Costa del Sol oo dhacda koonfurta dalka Spain halkaas oo ay sanadihii ugu danbeeyay tababar ku soo qaadanayeen.

Jurgen Klopp iyo safarka Spain
Jurgen Klopp iyo safarka Spain

Heer kulka Costa del Sol  ayaa u dhexeeya 23 degrees ilaa 28 degrees, wuxuuna Klopp aaminsan yahay in ay xaladii ugu haboonayd tahay, waana goobtii ay ugu soo diyaar garoobeen kulankii Bayern Munich ee xili ciyaareedkan iyo finalkii Champions league ee xili ciyaareedkii hore.

Liiska Ciyaartoyda Liverpool Ee Uu Klopp Magacaabay Ee Spain U Safray:

 Alexander-Arnold, Alisson, Brewster, Fabinho, Firmino, Gomez, Henderson, Jones, Keita, Kelleher, Lallana, Lovren, Mane, Matip, Mignolet, Milner, Moreno, Origi, Oxlade-Chamberlain, Robertson, Salah, Shaqiri, Sturridge, Van Dijk, Wijnaldum, Woodburn.