RASMI: Isku Aadka Wareega Siddeed Dhamaadka FA Cupka Oo La Sameeyay-Ayay Man United & Man City Ku Aadeen?

Manchester United ayaa booskeeda siddeed dhamaakda FA Cupka soo gaadhay kadib markii ay 2-0 si xarago leh ugu soo garaacday kooxda Chelsea oo koobkan difaacanaysay waxayna Man United awooday in Blues marisay isla daqiiqii ay hore u soo tusay Arsenal iyada oo kooxihii waa wayn ee London kawada reebtay FA Cupka.

Manchester United ayaa wareega siddeed dhamaadka kula biirtay kooxda ay dariska yihiin balse uu xifiltanka wayni ka dhexeeyo ee Manchester City waxaana hadda cadaatay in koobka FA Cupku uu dhex ooli doono Man City iyo Man United hadba kooxdii awooda sare muujisa.

Laakiin waxaa la soo saaray isku aadka siddeed dhamaadka FA Cupka waxaana kala badbaaday kooxaha reer Manchester iyaga oo sugi doona wareega xiga haddii ay soo dhaafaan kooxaha lagu aadiyay ama xataa finalka tartankan.

Manchester City ayaa siddeed dhamaadka FA Cupka marti u noqon doonta kooxda Swansea City ee heerka labaad ka ciyaarta laakiin Manchester United u safri doonto kooxda Wolves taas oo keeni karta in Man United iyo Man City ay u soo bixi karaan wareega afar dhamaadka FA Cupka.

Kooxaha Millwall iyo Brighton ayaa helay fursad fiican oo ay kaga fogaadeen labada kooxood ee waa wayn si la mid ah Watford iyo Crystal Palace oo kulan adag wada ciyaari doona.

Isku aadka Siddeed Dhamaadka FA Cupka Oo Dhamaysitran:

Swansea vs. Man City

Watford vs. Crystal Palace

Wolves vs. Man Utd

Millwall vs. Brighton