RASMI: Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee Isreeb Reebka UEFA Champions League Oo La Soo Saaray Iyo Kooxo Waa Wayn Oo Ku Soo Biiray.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee isreeb reebka UEFA Champions League waxaana heerkan ku soo biiray kooxo markii hore ka maqnaa oo waa wayn. Iyada oo xili ciyaareedka cusub la badalay qaabkii heerka groupyada Champions League loogu soo baxayay oo ay dhamaan kooxihii kaalinta afraad ka galay horyaalada waa wayn si toos ah u soo baxeen ayay wali jiraan kooxo badan oo dagaal ku jiraa.

Shaciga cusub ee UEFA ayaa hore heerka groupyada Champions League ugu soo saaray 26 kooxood oo ka mid ah 32 ka kooxood ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 tartankan ku loolami doona laakiin kadib markii dhawr wareeg oo isreeb reebyo ah la soo galay waxaa hadda la sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee isreeb reebka UCL.

Kooxaha FC Basel,  Benfica, Ajax, Spartak Moscow, Fenerbahce iyo Dynamo Kiev ayaa dhamaantood qayb ka noqday wareega saddexaad ee isreeb reebka UEFA Champions League waxayna ka mid yihiin kooxaha isku aadka hadda loo sameeyay.

Kooxaha qaar ayaa kulamo baaqi ah ku soo kala bixi doona si ay isku aadka wareega saddexaad ee hadda la sameeyay qayb uga noqdaan balse haddaba waxay ogyihiin in haddii ay soo gudbaan ay haystaan kooxdii ay la ciyaari lahaayeen.

Kooxda Branden Rodgers ee Celtic oo wareegyadii hore ka soo gudubtay ayaa la ciyaari doonta kooxda Rosenbourg haddii ay soo dhaafto waxay markale wajihi doontaa kooxda AEK Athens.

Halkan Kaga Bogo Isku Aadka Wareega Saddexaad ee UEFA Champions League Oo Dhamaystiran:

Standard Liege (BEL) vs Ajax (NED) / Sturm Graz (AUT)

Benfica (POR) vs Fenerbahce (TUR)

Slavia Prague (CZE) vs Dynamo Kiev (UKR)

PAOK (GRE) / Basel (SUI) vs Spartak Moscow (RUS)

Celtic (SCO) / Rosenborg (NOR) vs AEK Athens (GRE)

FC Salzburg (AUT) vs Shkëndija (MKD) / Sheriff (MDA)

Crvena zvezda (SRB) / Sūduva (LTU) vs Legia Warszawa (POL) / Spartak Trnava (SVK)

Kukës (ALB) / Qarabağ (AZE) vs BATE Borisov (BLR) / HJK Helsinki (FIN)

Astana (KAZ) / Midtjylland (DEN) vs Dinamo Zagreb (CRO) /Hapoel Beer-Sheva (ISR)

CFR Cluj (ROU) / Malmö (SWE) vs Ludogorets Razgrad (BUL) / Vidi (HUN)

Qaabka Loo Habayn Doono Kooxaha UEFA Champions League Marka Isku Aadka Heerka Groupyada La Samaynayo:

Pot 1: Real Madrid, Atletico Madrid, Barcelona, Bayern Munich, Manchester City, Juventus, Paris Saint-Germain, Lokomotiv Moscow- rasmi.

Pot 2: Borussia Dortmund, FC Porto, Manchester United, Shakhtar Donetsk, Benfica*, Napoli, FC Basel*, Tottenham Hotspur

Pot 3:  AS Roma, Liverpool, Schalke, Lyon, Monaco, FC Salzburg*, CSKA Moscow, Ludogorets Razgrad*

Pot 4: Inter Milan, Valencia, Hoffenheim – Waxaa buuxin doona lixda kooxood ee isreeb reebka isku aadkiisa la sameeyay ka soo bixi doona inkasta oo ay waliba kulamo Play-off ah ciyaari doonaan.

Laakiin kooxaha calaamada xidigutu “*” saaran tahay ee liiskan ku jiraa waa kuwo u baahan in ay isreeb reebka ka soo baxaan si ay booska ay ku jiraan u xaqiijisan karaan haddii kale UEFA ayaa qiimaynteeda ku salayn doonta qaaba min Pot 2- Pot4 loogu hayn doono laakiin Pot1 sida uu yahay ayuu rasmi ku yahay.