RASMI: Isku Aadka Wareega 16-ka Ee Copa Del Rey Oo La Sameeyay – Kooxahee Ayay La Ciyaari Doonaan Barcelona & Real Madrid?

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa maanta sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee tartanka Copa Del Rey kaddib markii xalay laga soo dhammaaday kulamadii ugu dambeeyay ee tartankaas qaybtiisii 32-aad.

Advertisements

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba soo gudbay iyagoo kasoo guuleystay kooxo heerarka hoose ah oo ay booqdeen balse arrinta mucjisada noqotay ayaa ah in kooxda Atletico Madrid ay guuldarro lama filaan ah kala kulantay Cultural Leonesa.

Isku aadka maanta la sameeyay ayaa ah mid ay Real Madrid markale marti noqon doonto maadaama oo ay ku aaday koox ka heer hooseysa horyaalka La Liga waxaana ay booqan doonaan Real Zaragoza.

Dhinaca kale Barcelona ayaa Camp Nou ku ciyaari doonta kulankeeda wareega 16-ka ee Copa Del Rey waxaana ay soo dhawayn doontaa kooxda ay La Liga wada joogaan ee Leganes.

Cultural Leonesa oo ah kooxdii kasoo yaabsatay Atletico xalay ayaa markale martiyi doonta Valencia oo qudheedu La Liga ka socota.

Wareegan ayaa lagu balansan yahay in la ciyaaro 28-ka, 29-ka iyo 30-ka January oo ku kala beegan maalmo Salaasa, Arbaca iyo Khamiis ah.

Halkan Kaga Boggo Isku Aadka Oo Dhan

Image

 

Advertisements