RASMI: Isku Aadka Kulamada Play-Offka Champions League Oo La Sameeyay Iyo Kooxaha Dhamaystiri Kara Heerka Groupyada UEFA Champions League Ee 2018/19

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa hadda soo saaray isku aadka kulamada ugu danbeeya ee isreeb reebka koobka UEFA Champions League ee loo yaqaano Play-offka iyada oo hadda lagu soo dhawaanayo waqtiga la ogaan doono lixda kooxood ee dhamaystiri doona 32ka kooxood ee isku aadka heerka Groupyada Champions League loo samayn doono August 30.

Markii la bilaabay isreeb reebyada koobka Champions League waxaa ku jiray kooxo aad u tiro badan laakiin hadda waxaa soo aad loo soo koobay kooxaha ka qayb galay isku aadka Play-offka kadib markii ay kooxo badani ku soo hadheen isreeb reebyadii la soo ciyaarayay tan iyo horaantii bishii July.

Iyada oo wali aan la dhamaystirin isreeb reebka wareegii saddexaad ee Champoins League ayaa haddana la sii sameeyay isku aadka kulamada Play-offka waxayna haddaba koox kastaaba sii ogtahay kooxda ay la ciyaari doonto haddii ay wareega xiga u soo gudubto.

Kooxda todobadii sano ee ugu danbeeyay ku soo guulaystay horyaalka dalka Scotland ee Celtic ayaa haddii ay soo dhaafto kooxda AEK waxay kulamada Play-offka la ciyaari doontaa Malmo ama Vidi halka midkii soo baxa kooxaha Benfica ama Fenerbache ay wajihi doonaan midkii soo baxa PAOK iyo Spartak Moscow.

Lixda kooxood ee ugu danbayn ka soo baxa kooxaha halkan isku aadka Play-offka loogu sameeyay waxay dhamaystiri doonaan 26kii kooxood ee sida tooska ah ugu soo baxay heerka groupyada Champions League.

Isku Aadka Kulamada Play-offka UEFA Champions League Ee Ay UEFA Samaysay.

Red Star Belgrade / Sparta Prague vs Salzburg / Shkendija

Qarabag /BATE vs PSV Eindhoven

Young Boys vs Astana / Dinamo Zagreb

Malmo/ Vidi vs Celtic/ AEK

Benfica / Fenerbahce vs PAOK / Spartak Moscow

Standard Liege / Ajax vs Slavia Prague / Dynamo Kyiv

Lixda kooxood ee isku aadkan ka soo gudbaa waxay ku biiri doonaan kooxaha hoose ee 26ka ah oo kaalmihii ay ka soo galeen horyaalada Yurub si toos ah ugu soo baxay heerka Groupyada Champions League oo magaalada Monaco isku aadka loogu samayn doono August 30. Halkan ka eeg kooxihii hore ugu soo baxay Champions League.

SPAIN: Barcelona, Atlético Madrid, Real Madrid, Valencia

GERMANY: Bayern München, Schalke, Hoffenheim, Borussia Dortmund

ENGLAND: Manchester City, Manchester United, Tottenham Hotspur, Liverpool

ITALY: Juventus, Napoli, Roma, Internazionale Milano

FRANCE: Paris Saint-Germain, Monaco, Lyon

RUSSIA: Lokomotiv Moskva, CSKA Moskva

PORTUGAL: Porto

UKRAINE: Shakhtar Donetsk

BELGIUM: Club Brugge

TURKEY: Galatasaray

CZEch: Viktoria Plzeň