RASMI: Hawl-Galada Tababare Lampard Ee Chelsea Oo Durtaba Bilaabmay & Xiddig Mustaqbalkiisa Shaki Ku Jiray Oo Heshiis Mudo Dheer Ah Saxeexay Blues.

Kooxda Chelsea ayaa shaacisay in khadkeeda dhexe ee ree England ee Ruben Loftus Cheek uu mustaqbalkiisa dhaw u hibeeyay kooxda isla markaana uu heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay maalmo kaddib magacaabista tababare Frank Lampard.

23 jirkan ayaa haatan ku jira xaalad dhaawac kasoo kabasho oo uu kaga soo laabanayo dhaawacii kulan saaxiibtinimo ku gaadhay bishii May taas oo la micno ah inuu seegay Final-kii UEFA Europe League ee ay Arsenal kaga guuleysteen.

Ruben ayaa xilli ciyaareedkii tagay oo ahaa mid uu isku soo muujiyay soo dhaliyay 10 gool kaddib 40 kulan oo uu Blues soo matalay iyadoo ay xusid mudan tahay inuu inta ugu badan kulamadaas bedel ku yimid.

Si kastaba, Ruben Loftus Cheek ayaa dareenkiisa cabiray kaddib heshiiskan ku eeg ilaa 2024 ee uu saxeexay waxaana uu sheegay inay Chelsea tahay halkii uu kusoo koray wakhti intaas ka badana uu doonayo inuu usii ciyaaro.

“Waa halkii aan kusoo koray aniga oo ciyaaraya waxaanan ku rajo weynahay inaan halkan ka ciyaari doono in ka badan” Ayuu yidhi Loftus Cheek kaddib qandaraas kordhintan.

Heshiis kordhintan uu sameeyay da’yarkani ayaa lagu sifayn karaa curashada hawl-galada tababare Lampard kaas oo laga sugayo sida uu safka xiddigaha kooxdiisa iskugu filnaysiin doono.

Chelsea ayaa wakhtigan dhibane u ah ganaaxa ka saaran suuqa kala iibsiga ee laba xilli suuq ah waana sababta ku qasbaysa inay shakiga ka saarto mustaqbalada xiddigaha kooxdeeda.

Si lamida Loftus-Cheek waxa la filayaa inuu dhawaan heshiis kordhin sameeyo Callum Hudson-Odoi kaas oo sidoo kale qarka u fuulay bishii January inuu u dhaqaaqo dhinaca Bayern Munich.