RASMI: Gianluigi Buffon Oo Ku Dhawaaqay Inuu Soo Gabagabeeyay Xirfadiisa Ciyaareed Ee Kooxda Juventus.

Goolhayaha reer Talyaani ee Gianluigi Buffon ayaa shir jaraa’id qabtay maanta oo khamiis ah wuxuuna ku sheegay inuu ka tagayo kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkaan, islamarkaana uu kulankaan sabtida soo aadan ay la ciyaari doonaan kooxda Hellas Verona uu u noqon doono kiisii ugu dambeeyay uu xityo maaliyada Bianconeri.

Gianluigi Buffon iyo madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli ayaa waxay kasoo wada  muuqdeen qolka saxaafada. Kadib marka uu la bilaaway shirka jaraa’id ee lagu soo bandhigayay wax qabadka goolhaaye Gianluigi Buffon ee kooxda Juventus.

Gianluigi Buffon ayaa wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in isbuuca soo aadan uu go’aansan doono in uu sii wadi doono ciyaarista kubada cagta ama uu ka fariisan doono gabi ahaanba.

Buffon ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id ku bilaaway: “Sabtida waxaan ciyaari doonaa kulankii ugu danbeyay ee maaliyada kooxda Juventus, waxay noqon doontaa habka ugu fiican ee aan ku dhameyn karo, waxaan dareemay taageerada qof walba oo Juventus jooga, waxaan jeclaan lahaa inaan mustaqbalkeyga ciyaareed ku soo gabagabeeyo qaab ciyaareed fiican,

“Waxaan ku faraxsanahay inaan u mahadceliyo qof walba, sababtoo ah Juventus waxay ila saxiixatay 2001-dii iyada oo la soo saxiixatay halyeey da ‘yar ah oo geesinimo leh, Juventus waxay iga caawisay inaan horumar ka sameeyo xirfadeyda kubada cagta”.

“Sabtida waxaan ciyaari doonaa kulankiisii ugu dambeeyay ee Juventus, 15 maalmood ka hor waxaan doonayay inaan ka fariisto kubada cagta, laakiin waxaan dalabyo cusub ka helay Talyaaniga iyo dibada. Maalmahan waxaa ka buuxa dareen iyo qiiro, isbuuca soo socda waxaan gaari doonaa go’aan maalmo kadib oo fikir ah”.