RASMI: Garsoore Dumar Ah Oo Dhexdhexaadin Doonta Kulanka Koobka UEFA Super Cup Ee Liverpool Iyo Chelsea

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa goor dhow ku dhawaaaqay in garsoore dumar ah oo lagu magacaabo Stephanie Frappart inay dhexdhexaadin doonta kulanka UEFA Super Cup ee u dhaxeeya kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee koob UEFA ah ay dhexdhexaadiso qof dumar ah, iyadoo kubada cagta Yurub ay haatan ku soo badanayaan dumarka garsoorayaasha ah.

Stephanie Frappart waa gabar u dhalatay dalka Faransiiska waxaana caawiyayaal u noqonaya gabdhaha kale ee kala ah Manuela Nicolosi iyo Michelle O’Neal kulanka koobka UEFA Super Cup ee ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Bishii July ayay Frappart waxa ay dhexdhexaadisay finalka Koobkii Adduunka ee Dumarka ee u dhaxeeyay wadamada Mareykanka iyo Holland ee ka dhacay magaalada Lyon. Waxa ay sidoo kale garsoore ka aheyd semi-finalka Koobkii Euro 2017 ee dumarka ee u dhaxeeyay Holland iyo England.

Frappart waxa ay dhigtay taariikhda gudaha dalka France bishii April iyadoo noqday garsoorihii dumar ee ugu horeeyay ee dhexdhexaadiya horyaalka Farnsiiska iyadoo garsoore ka noqotay kulan u dhaxeeyay kooxaha Amiens iyo Strasbourg. Waxaana loo dalacsiiyay inay garsoore joogta ah ka noqoto horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedka soo socda ee 2019/20.

Koobka UEFA Super Cup oo la ciyaarayo 14ka bishaan Agoosto waxa uu u dhaxeeyaa kooxaha hanatay Champions League ee Liverpool iyo kooxda hanatay koobka Europa League ee Chelsea.

Muuqaal caawiyaha garsooraha ee VAR ayaa loo adeegsan doonaa kulanka ka dhacaya Istanbul. Garsooraha VAR waa Clement Turpin oo isna France u dhashay waxaana caawinaya François Letexier, Mark Borsch iyo Massimiliano Irrati.