RASMI: Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada 12-Aad Ee Horyaalka Premier Oo La Shaaciyay Iyo Jamaahiirta Gunners Oo Cadho Ka Muujiyay Garsooraha Kulanka North London Derby.

Maamulka horyaalka Premier Leaque ayaa sidii looga bartay waxay sii shaaciyeen garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada 12 aad ee horyaalka Ingiriiska, laakiin haddaba jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa cadho wayn ka muujiyay garsooraha qaban doona kulanka north London derby ee ay kooxdooda Gunners la ciyaari doonto kooxda Tottenham.

Kulamada 12 aad ee horyaalka Premier leaque ayaa la ciyaari doonaa maalmaha sabtida November 18 ilaa Isniinta November 20 iyada oo kulanka ugu xiisaha badani uu dhex mari doono kooxda Arsenal iyo Tottenham wuxuuna kulankani ka qabsoomi doonaa Emirates Stadium maalinta sabtida ee November 18.

Garsooraha khilaafka badan abuura ee Mike Dean ayaa loo doortay kulanka muhiimka ah ee Arsenal iyo Tottenham taas oo keentay in jamaahiirta Arsenal ay cadho wayn ka muujiyaan. Xili ciyaareedkii hore Mike Dean ayaa bixiyay kaadhadhkii casaanka ahaa ee Premier Leaque ugu badnaa ee uu garoore bixiyay wuxuuna sidoo kale ahaa garsoorihii sida ugu deg dega badan rekoodhayaasha u dhigay.

Arsenal ayay war xun u tahay in Mike Dean uu dhex dhexaadin doono kulankan maadaama oo uu si sahlan ku dhigo rekoodhayaal iyada oo waliba Arsenal xili ciyaareedkan lagu dhigay laba rekoodhe isla markaana aanu Petr Cech wali hal rekoodhe badbaadin intii uu maaliyada Gunners xidhnaa.

Kulanka Liverpool ay soo dhawayn doonto kooxda Southampton waxaa loo doortay garsoore Mike Jones halka garsoore Jonathan Moss uu dhex dhexaadin doono kulanka Chelsea ay booqan doonto kooxda West Brom.

Kulanka Old Trafford ee ay Manchester United soo dhawayn doonto kooxda Rafa Benitez ee Newcastle United waxaa dhexda ugali doona garsoore  Craig Pawson iyada oo garsoore Graham Scott uu dhex dhexaadin doono kulanka Man City ay dib ugu laaban doonto King Power Stadium oo ay dhibaato hore ugula soo kulantay.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan kulamada 12 aad ee horyaalka Premier Leaque iyo garsoorayaasha dhex dhexaadin doona:

Kulmada Sabtida Ee November 18:

Arsenal v Tottenham Hotspur (Sky Sports)
Garsoore: Mike Dean

AFC Bournemouth v Huddersfield
Garsoore:  Lee Probert

Burnley v Swansea City
Garsoore: Martin Atkinson

Crystal Palace v Everton
Garsoore:  Anthony Taylor

Leicester City v Man City
Garsoore:  Graham Scott

Liverpool v Southampton
Garsoore: Mike Jones

West Brom v Chelsea
Garsoore:  Jonathan Moss

 Man Utd v Newcastle (BT Sport)
Garsoore:  Craig Pawson

Kulmada Axada Ee November 19:

Watford v West Ham (Sky Sports)
Garsoore:  Andre Marriner

Kulanka Isniinta Ee November 20:

Brighton v Stoke City (Sky Sports)
Garsoore:  Lee Mason

Comments

comments